HomeWararRW Xamse oo gaaray M/Daarusalaam kana qeyb galaya Shir Maanta furmaya

RW Xamse oo gaaray M/Daarusalaam kana qeyb galaya Shir Maanta furmaya

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, waxaana Garoonka dalkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Tanzani. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa magaalada Daarusalaam uga qeyb galaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika oo lagu wado inuu ka furmo magaaladaasi, Shirka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzania, waxaana Garoonka dalkaas kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dalka Tanzani.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa magaalada Daarusalaam uga qeyb galaya Shir madaxeedka horumarinta Karaanka Aadanaha ee Afrika oo lagu wado inuu ka furmo magaaladaasi, Shirka ayaana waxaa ka qeyb galaya madax ka socota dalalka Afrika,

- Advertisement -

Shir madaxeedka ayaa waxaa looga hadlayaa taabbagelinta awoodda dadweynaha, oo ah ahmiyad gaar ah u leh dalalka qaaradda Afrika, si ay uga qaybqaataan horumarka qaaradda hiigsaneyso taasi oo mudnaan gaar ah oo ku aadden horumarinta bulshada u leh Xukuumadda Soomaaliyeed ee DanQaran.

Xubnaha wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Waxbrashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dr. Maxamed Cilmi Ibraahim iyo masuuuliyiin kale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts