HomeWararMW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka...

MW Xasan Sheekh oo ka qeyb galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay kulanka Iskaashiga Talyaaniga iyo dalalka Geeska Afrika oo ay marti-gelisay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Marwo Giorgia Meloni.

Shirkan oo ay ku kulmeen dalalka Soomaaliya, Talyaaniga, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagaga arrinsanayey Amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo maalgashiga, sida lagu sheegay War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

- Advertisement -

“Dowladda Soomaaliya ay mudnaan siinayso sidii ay iskaashi heer gobol iyo heer caalami ah ugu heli lahayd wajiga labaad ee howl-galka dalka lagaga xoreynayo Alshabaab” ayaa lagu yiri Warka Villa Soomaaliya kasoo baxaya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Roma oo uu uga qeyb galay shirka Qaramada Midoobey ee la dagaallanka cunto-yarida iyo ka hortagga macaluusha.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay fursadaha maalgashi ee dhanka beeraha ee ay hodonka ku tahay Soomaaliya, taas oo haddii la maal-geliyo u noqonaysa dalalka Gobolka iyo guud ahaan qaaradda dammaanad-cunto oo la isku halleyn karo.

Latest stories