HomeWararMuxuu RW Xamse kala hadlay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga uu la...

Muxuu RW Xamse kala hadlay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga uu la kulmay?

Date:

Related stories

Wasiirrada Xamsa oo Shaashad Lagu Kala Sarreysiiyay

Xamsa Cabdi Barre oo wasiirrada Xukuumadda DanQaran ku sameeyay qiimeyn waxqabad iyo isla xisaabtan.

Hindisaha ABUUR oo La Daah-furay, Ardayda Soomaaliyeedna Fursad Cusub

Xasan Sheekh oo daah-furay sannad-tacliimeedka 2026/2027, isagoo sidoo kale bilaabay Hindisaha ABUUR ee hal-abuurka ardayda.

Xasan Sheekh iyo Al-Issa oo Arrimo Xasaasi ah Ka Wada Hadlay

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku qaabilay Al-Issa, iyagoo ka wada hadlay diinta, nabadda iyo iskaashiga Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo sumcaddii lacageed ee dalka iyo in dadka danyarta ah loogu fududeeyo macaamilka nololeed iyo ganacsi ee ay u baahan yihiin. Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda  […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Guddiga Dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo sumcaddii lacageed ee dalka iyo in dadka danyarta ah loogu fududeeyo macaamilka nololeed iyo ganacsi ee ay u baahan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha Xukuumadda  DanQaran ee dib u habeynta hannaanka Maaliyadeed ee dalka, iyadoo ay socoto dhismaha iyo howlgelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada, lana ballaarinayo latashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

- Advertisement -

Dhankooda, Guddiga Hagidda Mashruuca Kal-kaal ee dib-u-daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa Ra’iisul Wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Xaaladda Lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, hawlgalinta Xarumaha Bangiga Dhexe ee Dowlad Goboleedyada, iyo Qorshaha dhaw Dib u daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts