HomeWararWaqtiga la qabanayo Doorashooyinka Madaxtooyada & tan Xisbiyada Somaliland oo la shaaciyay

Waqtiga la qabanayo Doorashooyinka Madaxtooyada & tan Xisbiyada Somaliland oo la shaaciyay

Date:

Related stories

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...
- Advertisement -

Guddiga Komishinka doorashooyinka Maamulka Somaliland ayaa Maanta shaaciyay xilliyada ay dhacayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo tan xisbiyada siyaasadeed ee Maamulkaas, kadib War-saxaafadeed kasoo baxay Guddiga.

Warka Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada xisbiyada lasoo hormarinayo, isla markaana la qabanayo 28-ka bisha December ee sanadkaan 2023-ka, si loo helo saddex xisbi oo ansaxsan, lana siiyo shahaadada.

- Advertisement -

Sidoo kale Guddiga Komishinka ayaa shaaca ka qaaday in doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ay dhacayaan 13-ka November 2024-ka, waxayna Guddiga sheegeen in bil kahor uu xilligaas dhamaanayo muddo xileedka Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Jadwalkan doorashada ay soo saareen komishinka doorashada Somaliland ayaan la ogeyn sida ay u aqbali doonaan xisbiyada mucaaradka, kuwaa oo horey u doonayay in doorashada madaxweynaha iyo kuxigenkiisa lasoo hormariyo.

Mucaaradka ayaa horay si adag uga horyimid in lasoo hormariyo doorashada Xisbiyada, ayna tahay in marka hore loo dareero doorashada Madaxtooyada, waxaana Jadwalka lasoo saaray uu u muuqdaa mid uga sii daraya khilaafka ka taagan doorashooyinka.

- Advertisement -

 

Latest stories