HomeWararMadaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Maanta kusii jeeda Luuq + ujeedkiisa

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo Maanta kusii jeeda Luuq + ujeedkiisa

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay kusii jeedaan degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, iyaga  oo saacado kadib tagaya degmadaas. Ujeedka safarka Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ee Luuq ayaa waxa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta waxa ay kusii jeedaan degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, iyaga  oo saacado kadib tagaya degmadaas.

Ujeedka safarka Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ee Luuq ayaa waxa uu yahay sidii uu kulamo ula qaadan lahaa maamulka degmada, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha Bulshada, isagoo ka xogwareysan doona xaaladda degmada iyo baahiyaha jira.

- Advertisement -

Maamulka ka jira degmada Luuq ayaa taageeray maamulka Jubbaland uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe, waxa ayna mas’uuliyiinta maamulka sheegeen in ay la shaqeenayaan maamulka cusub ee Gedo loo soo magacaabay.

Garoonka diyaaradaha Luuq ayaa haatan waxaa ka socota qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo wafdigiisa oo kamid yihiin xubno ka tirsan labada Golle ee Maamulka.

Gobolka Gedo degmooyinkiisa kale ayaa wali diidan in ay la shaqeeyaan maamulka Jubbaland ee uu magacaabay Axmed Madoobe, waxaana horey qaar kamid ah degmooyinka Gedo loogu diiday in ay tagaan mas’uuliyiin Gobolka Gedo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts