HomeWararShirka MW Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore ee dalka oo Maanta ka...

Shirka MW Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore ee dalka oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka furmaya Shir wadatashi ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kuwaasi oo ku sugan caasimadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madasha kula wadaagi doona Madaxdii hore ee dalka waxyaabaha u qabsoomay dawladda Federaalka intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka furmaya Shir wadatashi ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kuwaasi oo ku sugan caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madasha kula wadaagi doona Madaxdii hore ee dalka waxyaabaha u qabsoomay dawladda Federaalka intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.

Shirka maanta ka furmaya caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka cudurdaartay Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka Cabdi Farax Shirdoon iyo Cabdiwali Sheekh Axmed.

Madaxdii hore ee dalka oo ku jiray Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa kasoo horjeestay Go’aamadii dhawaan kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu shaaciyay in dalka laga hirgelin doono doorashooyin Cod iyo qof.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts