HomeWararShirka MW Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore ee dalka oo Maanta ka...

Shirka MW Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore ee dalka oo Maanta ka furmaya Muqdisho

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka furmaya Shir wadatashi ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kuwaasi oo ku sugan caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madasha kula wadaagi doona Madaxdii hore ee dalka waxyaabaha u qabsoomay dawladda Federaalka intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.

Shirka maanta ka furmaya caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka cudurdaartay Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka Cabdi Farax Shirdoon iyo Cabdiwali Sheekh Axmed.

Madaxdii hore ee dalka oo ku jiray Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa kasoo horjeestay Go’aamadii dhawaan kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu shaaciyay in dalka laga hirgelin doono doorashooyin Cod iyo qof.

- Advertisement -

Latest stories