HomeWararDhallinyaro Soomaali ah oo qalalaaso ka geystay Mareykanka oo Dacwad lagu soo...

Dhallinyaro Soomaali ah oo qalalaaso ka geystay Mareykanka oo Dacwad lagu soo oogay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Waxaa magaaladda Minneapolis dacwad lagu soo oogay labbo wiil oo kamid ah dhallinyaraddii Soomaaliyeed ee qalalaasaha iyo rabshaddaha ka geystay magaaladda Minneapolis habeenimadii tallaadada ee ay bisha July ahayd 4, 2023. Dhallinyrada dacwada lagu soo oogay ayaa kamid ah 11 wiil oo ay Booliska iyo laamaha ammniga kala duwan ee ka howl gala magaaladda Minneapolis […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa magaaladda Minneapolis dacwad lagu soo oogay labbo wiil oo kamid ah dhallinyaraddii Soomaaliyeed ee qalalaasaha iyo rabshaddaha ka geystay magaaladda Minneapolis habeenimadii tallaadada ee ay bisha July ahayd 4, 2023.

Dhallinyrada dacwada lagu soo oogay ayaa kamid ah 11 wiil oo ay Booliska iyo laamaha ammniga kala duwan ee ka howl gala magaaladda Minneapolis  ee dalka Mareykanka ay dambiyo kala duwan u qabteen 5 kamid ahna la xiray.

- Advertisement -

Labaddan wiil oo ay da’doodu kala tahay 17-sanno jir iyo 18-sanno jir ayaa kamid ahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo qiyaastoodu kor u dhaaftay 350 oo goobo kala duwan oo ku kala yaala magaaladda Minneapolis qalalaase iyo rabshado ka qeystay.

Lix da’yar ah oo kamid ah dhallinyaradan ay oo Booliska siyaabo kale duwan u qabteen ayaa inta tigidho la xiriira dambiyada ay geysteen loo siiyay kaddibna guryahooda loo kala diray, halka shanta kale loo taxaabay xabsiga dhallinyaradda da’yarta ah loogu tallo galay.

Labaddan wiil ayaa lagu eedaynayaa dacwado la xiriira in ay booliiska si ula kac ah ugu tuureen, ulana beegsadeen rashka ama bululeyr noocyo kala duwan ah. Wiilashan ayaa sidoo kale baaburtii ay booliisku wateen ku riday rashka/bululayrka, waa sida ku qoran eeda dacwada ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts