HomeWararDhallinyaro Soomaali ah oo qalalaaso ka geystay Mareykanka oo Dacwad lagu soo...

Dhallinyaro Soomaali ah oo qalalaaso ka geystay Mareykanka oo Dacwad lagu soo oogay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Waxaa magaaladda Minneapolis dacwad lagu soo oogay labbo wiil oo kamid ah dhallinyaraddii Soomaaliyeed ee qalalaasaha iyo rabshaddaha ka geystay magaaladda Minneapolis habeenimadii tallaadada ee ay bisha July ahayd 4, 2023. Dhallinyrada dacwada lagu soo oogay ayaa kamid ah 11 wiil oo ay Booliska iyo laamaha ammniga kala duwan ee ka howl gala magaaladda Minneapolis […]

- Advertisement -

Waxaa magaaladda Minneapolis dacwad lagu soo oogay labbo wiil oo kamid ah dhallinyaraddii Soomaaliyeed ee qalalaasaha iyo rabshaddaha ka geystay magaaladda Minneapolis habeenimadii tallaadada ee ay bisha July ahayd 4, 2023.

Dhallinyrada dacwada lagu soo oogay ayaa kamid ah 11 wiil oo ay Booliska iyo laamaha ammniga kala duwan ee ka howl gala magaaladda Minneapolis  ee dalka Mareykanka ay dambiyo kala duwan u qabteen 5 kamid ahna la xiray.

- Advertisement -

Labaddan wiil oo ay da’doodu kala tahay 17-sanno jir iyo 18-sanno jir ayaa kamid ahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo qiyaastoodu kor u dhaaftay 350 oo goobo kala duwan oo ku kala yaala magaaladda Minneapolis qalalaase iyo rabshado ka qeystay.

Lix da’yar ah oo kamid ah dhallinyaradan ay oo Booliska siyaabo kale duwan u qabteen ayaa inta tigidho la xiriira dambiyada ay geysteen loo siiyay kaddibna guryahooda loo kala diray, halka shanta kale loo taxaabay xabsiga dhallinyaradda da’yarta ah loogu tallo galay.

Labaddan wiil ayaa lagu eedaynayaa dacwado la xiriira in ay booliiska si ula kac ah ugu tuureen, ulana beegsadeen rashka ama bululeyr noocyo kala duwan ah. Wiilashan ayaa sidoo kale baaburtii ay booliisku wateen ku riday rashka/bululayrka, waa sida ku qoran eeda dacwada ah.

Latest stories