HomeWararAgaasimihii Guud ee Hey’adda Socdaalka Somalia ee loo heysto musuq oo is...

Agaasimihii Guud ee Hey’adda Socdaalka Somalia ee loo heysto musuq oo is Casilay

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Agaasimihii Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dowladda Fedeeraalka Soomaaliya C/qaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa shaaca ka qaaday inuu isk casilay xilkii hey’addaas, una gudbiyay istiqaaladiisa Wasaaradda Amniga Gudaha.

Mr Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ku eedeysay musuq maasuq iyo lunsasho xoolo dadweyne, waxaana eedeyntan uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo Xafiisyada lagu go’aamiyay, iyadoo la hiigsanayo jago iyo shaqo.

- Advertisement -

War-saxaafadeed dheer uu soo saaray C/qaadir Cilmi ayuu ku sheegay in aysan jirin cid ila wadaagtay eed loo heysto kahor safar uu sheegay inuu ku maqnaa, isagoona xusay in aan loo soo bandhigin nooca iyo waxa uu ku edeysanahay.

“Muddadii aan hogaaminayay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha waxaa noo suurtagashay oo ay hey’adaha maamulka Maaliyadda iyo dakhliga illaa heer Madaxda Qaranku ka markhaati kaceen kor u qaadista dakhliga qaranka kasoo xarooda adeegyada socdaalka iyo dal-ku galka kasso sare ukacay 40%.” ayuu yiri Agaasimihii Hey’adda Socdaalka.

Bulshada Soomaaliyeed ayuu uga mahadceliyay wadashaqaynta iyo ka faa’iidaysiga adeegga Hey’adda gudaha dalka iyo dibadda, isla markaan ka dalbaday inaysan ku kadsoomin Dulmiga & marin habaabinta ujeedooyinka gurracan laga leeyahay arimaha socda.

- Advertisement -

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka

 

Latest stories