HomeWararAgaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya oo soo gaaray Muqdisho & ujeedkiisa

Agaasimaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya oo soo gaaray Muqdisho & ujeedkiisa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuradiin Yusuf Xaaji ayaa saaka booqasho ku yimid magaalada caasimadda ah Muqdisho, iyada uu soo dhoweeyay  Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad. Booqashadan ayaa ah tii u horreysay oo Muqdisho ku yimaado Agaasimaha Nabadsugida Kenya, iyadoo maalmo ka hor uu Taliyaha Sirdoonka Kenya uu booqasho […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuradiin Yusuf Xaaji ayaa saaka booqasho ku yimid magaalada caasimadda ah Muqdisho, iyada uu soo dhoweeyay  Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.

Booqashadan ayaa ah tii u horreysay oo Muqdisho ku yimaado Agaasimaha Nabadsugida Kenya, iyadoo maalmo ka hor uu Taliyaha Sirdoonka Kenya uu booqasho qarsoodi ku tagay magaalada Kismaayo.

- Advertisement -

Labada hey’adood ee Sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona iskaashiga u dhaxeeya iyo la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada, bishii hore ayay Sirdoonka Kenya xireen Ganacsade reer Mombasa ah.

Ganacsadaha ayaa lala xiriirinayaa inuu ku lug lahaa labo shixnad oo isugu jira qalab ciidan iyo walxaha qarxa oo bilo ka hor lagu qabtay dekedda magaalada Muqdisho, ka hor inta aan la xirin Ganacsadahan laanta la dagaalanka Argagixisada Kenya ATPU.

Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuradiin Yusuf Xaaji ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts