HomeWararWasiirka Maaliyadda DF oo laalay shaqo joojin uu ku sameeyay Mas'uuliyiin

Wasiirka Maaliyadda DF oo laalay shaqo joojin uu ku sameeyay Mas’uuliyiin

Date:

Related stories

JSP oo Cali Guudlaawe U Doortay Musharraxa Hirshabeelle

Cali Guudlaawe ayaa si rasmi ah loogu aqoonsaday musharraxa Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee doorashada madaxtinimada Hirshabeelle, kaddib go’aan ay xubnaha fulinta xisbiga ku gaareen Muqdisho.

Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo Ku Guuleystay Qiimeynta Waxqabadka

Wasaaradaha Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda oo kaalmaha ugu sarreeya ka galay qiimeynta waxqabadka Xukuumadda, laguna guddoonsiiyay abaalmarinno.

Ruushka oo Tareen Rakaab Ku Weeraray Xadka Poland

Boris Johnson oo cambaareeyay weerar drone oo Ruushka lagu eedeeyay inuu ku qaaday tareen rakaab oo ku dhow xadka Poland.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo labadaba uu shalay shaqada uga joojiyay amar diido iyo wada shaqeyn la’aan. Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa laalay shaqo joojintii uu shalay ku sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda oo labadaba uu shalay shaqada uga joojiyay amar diido iyo wada shaqeyn la’aan.

Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirka Maaliyadda ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan.

- Advertisement -

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Wasiirka Maaliyadda uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ku aadaneyd tallaabadii uu shalay shaqo joojinta ugu sameeyay Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee dakhliga, sidaas darteed uu wareegtada uu maanta soo saaray kaga laabtay.

Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa horey Xisaabiyaha Guud iyo Agaasimaha Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ugu eedeeyay amar diido, wada shaqeyn la’aan iyo caqabad inay ku noqdeen hannaanka lagu maamulo qarash bixinta dowladda ee SFMIS.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts