HomeWararPuntland oo Digniin cusub kasoo saartay Arrin shacabka Garoowe loo sheegay

Puntland oo Digniin cusub kasoo saartay Arrin shacabka Garoowe loo sheegay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha Bulshada oo lagu sheegayay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan iska soo horjeeda ay ka socdaan gudaha magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland. Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf oo ku hadlaya afka guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa shacabka caasimadda Puntland ugu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Booliska Gobolka Nugaal ayaa beeniyay warar saacadihii lasoo dhaafay lagu faafiyay baraha Bulshada oo lagu sheegayay in dhaq-dhaqaaqyo ciidan iska soo horjeeda ay ka socdaan gudaha magaalada Garoowe ee caasimadda Maamulka Puntland.

Taliyaha qaybta booliska Gobolka Nugaal G/sare Maxamed Cali Marduuf oo ku hadlaya afka guddiga amniga gobolka Nugaal ayaa shacabka caasimadda Puntland ugu baaqay in ay is dajiyaan, isagoona beeniyay warka la faafiyey.

- Advertisement -

Taliye Maxamed Marduuf ayaa tilmaamay in wax amni darro ah aysan ka jirin gudaha magaalada Garoowe, isla markaana xaaladda ay tahay mid wanaagsan, isagoona shacabka ugu baaqay inay is dajiyaan oo ay la shaqeeyaan laamaha amniga.

Dadka wada khalkhal galinta amniga oo dadka rayidka ah beenta ayuu Taliyaha uga digay inay ka waantoobaan been abuurka aan sal iyo raadka lahayn, sidoo kale waxa uu sheegay taliyuhu in ay gacan bir ah ku qaban doonaan cid kasta oo lagu arko khalkhal galin amni iyo kicin bulsho bilaa caddayn.

Dhawaan ayey aheyd markii gudaha Garoowe uu ka dhacay dagaal xooggan oo u dhexeeyay ciidanka ammaanka Puntland iyo kuwa siyaasiyiinta mucaaradka ee kasoo horjeeda Madaxweyne Deni, waxaana dagaalkaasi ku dhintay in ka badan 20 qof.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts