HomeWararDFS oo ka hadashay Go’aan ay gaartay Maxkamad ku taalla gudaha Kenya

DFS oo ka hadashay Go’aan ay gaartay Maxkamad ku taalla gudaha Kenya

Date:

Related stories

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...

Kenya cites security concerns, militant threats in maintaining Somalia border closure

Kenyan President William Ruto has said the border between...

Mogadishu airport operating normally, aviation authority says

Somalia's Civil Aviation Authority has dismissed reports that flight...

Mogadishu sees lull in fighting after mediation

Clashes between Somali government forces and opposition-aligned groups in...

Police say no protest allowed as fighting erupts in Mogadishu

Police in Somalia's capital Mogadishu said security forces were...
- Advertisement -

Sarkaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka hadlay lacag malaayiin ah oo maxkamad ku taal Kenya ay ku xukuntay dowladda Soomaaliya.

Xukunka ayaa waxaa ridday maxkamad ku taalla magaalada Nairobi oo qaadda dacwadaha murannada sharciga. Maxkamadda ayaa dhegeysanaysay dacwad ay shirkad ganacsiga oo dhismaha ka shaqeysa ka gudbisay dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Shirkaddan oo ay leeyihiin dad Soomaali ah ayaa ku dacwooneysay in safaaradda Soomaaliya ee Kenya ay uga baxday qandaraas dayactirka safaaraddeeda Naiorbi.

Xabiib Maxamed Cigaal oo ah qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa u sheegay BBC in aysan jirin wax dacwad ah oo ay ka warqabaan oo ka taal maxkamad iyo xukun lagu riday midna.

Waxa uu sheegay in warkaas maxkamada ay warbaahinta uun ka arkeen. Waxa uu intaas ku daray in aysan jirin shirkad dhisme oo heshiis af iyo mid qoraalba ay dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda dacweyeysa, isaga oo xusay in aysan jirin wax xukun ah oo lala socodsiiyay iyo lacag magdhow ah oo laga filanayo inay bixiyaan.

- Advertisement -

Maxkamadda ayaa shirkadda dhismaha ka shaqeysa u xukmisay in lacag dhan Sh23m ay ka dalban karto dowladda Soomaaliya.

Latest stories