HomeWararGaari ay saarnaayeen Dad shacab ah oo Miino kula Qaraxday Gedo &...

Gaari ay saarnaayeen Dad shacab ah oo Miino kula Qaraxday Gedo & Khasaaro ka dhashay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Maanta ka dhacay degaanka Uunsi oo udhaxeeyo degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegayan wararka aan ka heleyno halkaasi. Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxa uu haleelay Gaari ay saarnaayeen […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa Maanta ka dhacay degaanka Uunsi oo udhaxeeyo degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, sida ay sheegayan wararka aan ka heleyno halkaasi.

Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga hago meelaha fog-fog ayaa waxa uu haleelay Gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, oo la tilmaamay inay safar ahaayeen, waxaana qaraxu ku qabsaday xilli ay marayeen deegaanka Uunsi.

- Advertisement -

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka saddex qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo dhammaantood ahaa dad shacab oo saarnaa gaariga uu qaraxu haleelay, dad ayaa gurmad u sameeyay dhaawacyada oo loo qaaday Doolow.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxaya Maamulka Jubbaland iyo kan Gobolka Gedo oo ay uga hadlayaa qaraxaan khasaaraha dhaliyey ee Maanta ka dhacay degaanka Uunsi oo udhaxeeyo Baladxaawo iyo Doolow ee Gobolka Gedo.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts