HomeWararKhasaaraha ka dhashay Weerarkii Maanta lagu qaaday Degmada Baardheere

Khasaaraha ka dhashay Weerarkii Maanta lagu qaaday Degmada Baardheere

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Faah faahino ayaa laga helayaa qaraxyo Is-miidaamin ah oo Maanta Al-Shabaab ay ku qaaday degmada Baardheere gaar ahaan xero ciidan oo ku taalla degmadaas oo lagu tababaro dhallinyaro loo diyaarinayay xoreynta deegaanada Maamulka Jubbaland.

Qaraxyada oo laba ahaa ayaa lagu weeraray xerada lagu magacaabo ADC oo xilligaas ka socday tababar la siinayay dhallinyaro farabadan, waxaana qaraxyada loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay halka laga galo xerada.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay weerarka, Laamaha ammaanka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa laga soo xigtay in 7 ruux ay ku dhinteen qaraxyada, halka ku dhowaad 15 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Gurmad xoog leh oo loo sameeynayo dadkii waxyeelada soo gaartay ayaa ka socda gudaha xerada iyo banaankeeda, waxaana dhaawacyada lagu soo qaadayaa Gaari-gacano iyo baabuur, si loo gaarsiiyo xarumaha caafimaadka.

Xaaladda degmada Baardheere ayaa haatan ah mid aad u cakiran. Al-Shabaab ayaa durbadii sheegatay mas’uuliyada weerarka lagu qaaday xerada lagu tababaro ciidanka dowladda Federaalka ee ku taalla degmadaas.

Latest stories