HomeWararGuudlaawe oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii G/Hiiraan Cali Jeyte (Wareegto)

Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii G/Hiiraan Cali Jeyte (Wareegto)

Date:

Related stories

Somalia Gives Referee Omar Artan a Hero’s Welcome After U.S. Entry Denial

“What happened will not disappoint me, and I promise you that I will participate in the 2030 World Cup,” he said. He also urged Somali youth not to lose faith in their country or their passport.

Musharax Galmudug Liban Axmed oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan

Musharax Galmudug oo $50,000 ku wareejiyay garsoore Cumar Artan Muqdisho,...

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed

Aadan Madoobe oo xilka la wareegay Koonfur Galbeed Baydhabo, 11...

Taliyeyaasha SNA & Booliiska oo kormeeray TURKSOM

Taliyeyaasha ciidamada oo kormeeray Kulliyadda TURKSOM Muqdisho, 11 Juun 2026 –...
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, isagoona magacaabay Guddoomiyaha cusub ee bedelaya Cali Jeyte.

Wareegto kasoo baxday saqdii dhexe ee xalay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday Cali Jeyte Cismaan, waxaana xilkaas uu Madaxweyne Guudlaawe u magacaabay abdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

- Advertisement -

Sababta keentay xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay inay tahay in baahi loo qabo in la dardar-geliyo howlaha kala duwan ee horyaala Maamulka Gobolkaas iyo mideynta bulshada, si loo hirgeliyo shuruucda iyo Dastuurka Hirshabeelle.

Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah, maadaama uu qeyb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoona horey u hoggaaminayay dagaalo Al-Shabaab looga saaray deegaano dhowr ah oo ka tirsan Hiiraan.

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa illaa iyo hadda ka hadlin xilka qaadista uu  sameeyay Madaxweye Cali Guudlaawe oo sheegay inuu tallaabadan uu qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Hoos Akhriso Wareegtada xilka qaadista

 

Latest stories