HomeWararGuudlaawe oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii G/Hiiraan Cali Jeyte (Wareegto)

Guudlaawe oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii G/Hiiraan Cali Jeyte (Wareegto)

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, isagoona magacaabay Guddoomiyaha cusub ee bedelaya Cali Jeyte. Wareegto kasoo baxday saqdii dhexe ee xalay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday Cali Jeyte Cismaan, waxaana xilkaas uu Madaxweyne Guudlaawe u magacaabay abdullaahi Axmed Maalin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, isagoona magacaabay Guddoomiyaha cusub ee bedelaya Cali Jeyte.

Wareegto kasoo baxday saqdii dhexe ee xalay Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa xilka looga qaaday Cali Jeyte Cismaan, waxaana xilkaas uu Madaxweyne Guudlaawe u magacaabay abdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

- Advertisement -

Sababta keentay xilka qaadista Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ayaa lagu sheegay inay tahay in baahi loo qabo in la dardar-geliyo howlaha kala duwan ee horyaala Maamulka Gobolkaas iyo mideynta bulshada, si loo hirgeliyo shuruucda iyo Dastuurka Hirshabeelle.

Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah, maadaama uu qeyb ka ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoona horey u hoggaaminayay dagaalo Al-Shabaab looga saaray deegaano dhowr ah oo ka tirsan Hiiraan.

Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa illaa iyo hadda ka hadlin xilka qaadista uu  sameeyay Madaxweye Cali Guudlaawe oo sheegay inuu tallaabadan uu qaaday kadib talo soo-jeedin ka timid Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle.

- Advertisement -

Hoos Akhriso Wareegtada xilka qaadista

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts