HomeWararWebiga Shabeelle oo fatahaad cusub ka sameeyay degaano ka tirsan Sh/Dhexe

Webiga Shabeelle oo fatahaad cusub ka sameeyay degaano ka tirsan Sh/Dhexe

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Webiga Shabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo saameeyay Beeraleyda ku nool tuulooyinkaas. Webiga ayaa fatahaada ka sameeyay tuulooyinka la isku yiraahdo Balcaano oo ka kooban 72 tuulo oo dhammaan hoostega magaalada Jowhar, iyad oo inta badan dadkii ku noolaa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Webiga Shabelle ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa uu fatahaad ka sameeyay degaano hoostaga Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad Goboleedka Hirshabeelle, kaas oo saameeyay Beeraleyda ku nool tuulooyinkaas.

Webiga ayaa fatahaada ka sameeyay tuulooyinka la isku yiraahdo Balcaano oo ka kooban 72 tuulo oo dhammaan hoostega magaalada Jowhar, iyad oo inta badan dadkii ku noolaa ay tuulooyinkaasi ay ka barakaceen.

- Advertisement -

Sidoo kale fatahaada webiga Shabeelle ayaa baabi’isay dhul beereed aad u ballaaran, isla markaana ay ku yaalleen dalagyo dhowr ah, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka beeraleyda ah ee fatahaada ku waayay dalagooda.

Guddoomiyaha Maaamulka degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in dhibaatooyin farabadan oo dhanka nolosha ah ay heystaan dadkii ku barakacay fataahada Webiga oo ay usii dheer tahay cudurasho ka dhashay biyaha.

Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu Guddoomiyaha Jowhar ugu baaqay inay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaano hoostaga magaalada Jowhar oo ay saameeysay fatahaada uu sameeyay webiga.

- Advertisement -

Horay degmooyin iyo degaano ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa Webiga Shabeelle waxa uu ka sameeyay fatahaado, waxaana dadkii ugu badnaa ay barakaceen magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolkaas oo si daran uu ugu fatahay webiga.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts