HomeWararKenya oo shaacisay khasaaro ka dhashay Qarax ay Al-Shabaab la beegsatay Ciidankooda

Kenya oo shaacisay khasaaro ka dhashay Qarax ay Al-Shabaab la beegsatay Ciidankooda

Date:

Related stories

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada

Mucaaradka oo caalamka kala hadlay khilaafka doorashada Muqdisho, 9 Juun...

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar

Sheekada Ninkii Ugu Horreeyay Ee Lacag Ku Qanciya Gabar Waxaa...

Koonfur Galbeed oo degmooyinka ku xoojinaysa adkaysiga abaarta

Koonfur Galbeed oo waayo-aragnimo abaareed la wadaagtay Muqdisho, 8 Juun...

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...
- Advertisement -

Madaxa ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya John Otieno ayaa ka hadlay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maalmo kahor saraakiil ka tirsan ciidankooda lagula beegsaday magaalada Garissa ee waqooyi Bari ee dalkaas Kenya.

Qarax oo ahaa miino dhulka la geliyay ayaa Al-Shabaab waxa ay la eegatay gaari ay saarnaayeen saraakiil iyo Askar ka tirsanaa Booliska Kenya, kuwaasi oo qaarkood dhintay, halka kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

- Advertisement -

John Otieno ayaa sheegay inay qaraxa uga dhinteen sideed sarkaal oo Boolis ah, isagoona intaas hadalkiisa kusii daray in weerarkaan ay tuhusan yihiin inay ka danbeeyeen Al-Shabaab oo uu xusay inay beegsadaan gaadiidka ay saaran yihiin ciidankooda ammaanka.

“Waxaan tuhun sannahay in tani ay tahay shaqada Al-Shabaab, kuwaas oo beegsanaya baabuurta ciidamada ammaanka iyo kuwa dadweynaha,” ayuu yiri Madaxa ciidanka Booliska Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya John Otieno.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa marar badan waxa ay qaraxyo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ay la eegteen ciidamada Kenya, iyadoona dhawaan ay aheyd markii Shabaabka ay Askar badan oo Uganda ka tirsan ku laayeen magaalada Buulo-Mareer.

Latest stories