HomeWararSheekh Shariif oo farriin Deg-deg ah u diray Dowladda iyo Maamulka K/Galbeed

Sheekh Shariif oo farriin Deg-deg ah u diray Dowladda iyo Maamulka K/Galbeed

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee u dhexeeyay ciidamada Milateriga dowladda iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed. Sheekh Shariif oo Qoraal kusoo qoray bartiisa gaarka ah ayaa waxa uu marka tacsi ugu diray Ehellada dadkii ku geeriyooday dagaalada labadii maalin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka hadlay dagaaladii ka dhacay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose ee u dhexeeyay ciidamada Milateriga dowladda iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed.

Sheekh Shariif oo Qoraal kusoo qoray bartiisa gaarka ah ayaa waxa uu marka tacsi ugu diray Ehellada dadkii ku geeriyooday dagaalada labadii maalin ee lasoo dhaafay ka socday Baraawe, isagoo caafimaad deg deg u rajeeyay dadka ku dhaawacmay.

- Advertisement -

Shariif ayaa waxa uu nasiib darro aad u wayn ku tilmaamay in ciidamada Xoogga dalka iyo Ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed ku dagaallamaan Baraawe oo uu sheegay in Al-Shabaab hareeraheeda joogaan, shacabkana ay ay ka qaxaan guryahoodii.

“Dowladda Fedraalka iyo Dowladda Koonfur Galbeed waa inay si’ deg deg ah u xalliyaan xiisadda Magaalada Baraawe” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii dhacay.

Sidoo kale waxaa intaas hadalkiisa kusii daray Sheekh  Shariif “Waa in xoogga labadan ciidan loo jiheeyo la dagaallanka Al-Shabaab, ma ahan wax la aqbali karo waana in laga hor tago in markale ay qaxaan Shacab Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Ku dhawaad 15 qof oo ku jiraan dhinacyadii ku dagaalamay magaalada Baraawe iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday dagaaladii halkaasi ka dhacay, halka dhowr qof kalena ay ku dhaawacmeen, welina waxaa taagan xiisada u dhexeeysa ciidamada oo is hor-fadhiya.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts