HomeWararRW Xamse oo dhagax-dhigay Xarun casri oo loogu talagalay gurmadka deg-dega

RW Xamse oo dhagax-dhigay Xarun casri oo loogu talagalay gurmadka deg-dega

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina, oo loogu talagalay  in lagula tacaalo muwaadiniinta  ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca. Xaruntan oo loo dhisaayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar, oo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay Xarunta Gurmadka Deg-degga ah ee Isbitaalka Madiina, oo loogu talagalay  in lagula tacaalo muwaadiniinta  ku waxyeelooba musiibooyinka dalka ka dhaca.

Xaruntan oo loo dhisaayo qaab casri ah, ayaa waxaa ku baxaya lacag gaaraysa hal milyan, laba boqol iyo konton kun oo dollar, oo ka imaanaysa shacabka iyo  dowladda Soomaaliyeed, iyadoo  ka koobnaan doonta xaruntan 47 sariirood oo lagu qaabilo dadka qaba xaaladaha deg-degga ah, halka ay horey u yaaleen Isbitaal Madiina 3 sariirood.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xaruntani marka la dhameystiro ay dabooli doonto baahi weyn oo dhanka caafimaadka ah oo ay qabeen shacabka Soomaaliyeed.

Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran oo ka duuleysa baahida bulshada  ee dhinacyada Caafimaadka iyo Waxbarashada ay qaaday tallaabooyin wax looga qabanayo soo celinta adeegyada bulshada ee asaasiga ahaa.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha oo kormeerey qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Madiina, ayaa warbixinno ka dhageystay Maamulka Isbitaalka, isaga oo ku bogaadiyey howlaha baxaadda leh ee ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts