HomeWararFaah faahin: Sarkaal ciidan oo Maanta lagu Qarxiyey Magaalada Muqdisho

Faah faahin: Sarkaal ciidan oo Maanta lagu Qarxiyey Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Qarax loo malaynayo in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Gaari nooca raaxada ah ayaa qarxay, waxana markii dambe laga soo saaray qof dhaawac ah oo gaariga watay, waxana loo qaaday isbitaalka, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah oo intaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax loo malaynayo in gaarigiisa loogu xiray sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Gaari nooca raaxada ah ayaa qarxay, waxana markii dambe laga soo saaray qof dhaawac ah oo gaariga watay, waxana loo qaaday isbitaalka, sida ay ku warrameen dad goobjoogayaal ah oo intaas kusii daray in sarkaalka dhaawacmay lala cararay.

- Advertisement -

Sawirro laga soo qaaday goobta gaariga ayaa muujinayay waxyeellada gaartay qeyb kamid ah gaariga la qarxiyey ee uu waatay sarkaalka Booliska, weli hay’adda amniga dowladda wax faah faahin ka bixin qaraxaas ka dhacay Muqdisho.

Xiliga uu qaraxa dhacayey ayaa waxaa la sheegay inay xirneyd wadada Maka Al-Mukarama, kadib markii ciidamada dowladda Federaalka ay gaadiidka shacabka u diideen iney maraan sababo aan la ogeyn awgood.

Qaraxan ka dhacay agagaarka Isgoyska Soobe ee Muqdish ayaa waxa uu ku soo beegmay 48 saac ka dib markii, Weerar qaraxyo ku bilowday lagu qaaday Maqaayad ku taalla Xeebta liido halkaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 10 qof oo shacab u badan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts