HomeWararQM oo War kasoo saartay Qaraxii Caruurta badan ku laayey Shabeellaha Hoose

QM oo War kasoo saartay Qaraxii Caruurta badan ku laayey Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

Arab League slams Somaliland office opening in Jerusalem

Arab League Secretary-General Ahmed Aboul Gheit has condemned the...

Commander ousted after reported refusal to deploy troops

- Somali President Hassan Sheikh Mohamud has removed the...

Pirate attacks on two commercial ships thwarted off Somalia

Armed pirates attacked two commercial vessels in separate incidents...

Race intensifies for Somalia Lower House speaker post

Competition is intensifying for the position of Speaker of...
- Advertisement -

Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa ka hadashay qarax ay caruur badan dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen oo jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose, qaraxa ayaa ka dhashay hub haraadi ahaa.

UNICEF oo qoraal soo saartay ayaa waxa ay ku sheegtay inay ka naxday qaraxa au ku dhinteen carruurta badan, waxayna tacsi tiiraanyo leh u direen qoysaska dhibanayaasha, iyagoona caafimaad degdeg ah u rajeeyay caruurta kale ee waxyeelada gaartay.

- Advertisement -

“Dhacdadan naxdinta leh ayaa hoosta ka xariiqeysa muhiimadda ay leedahay in dhammaan dhinacyada isku haya Soomaaliya ay si taxaddar leh u maareeyaan walxaha qarxa, la nadiifiyo haraaga miinooyinka iyo walxaha aan wali qarxin, iyo in la kordhiyo wacyigelinta ubadka iyo bulshada ee khataraha ku gedaaman miinooyinka” ayey tiri UNICEF.

Sidoo kale Hay’adda Qaramada Midoobay ugu qaabilsan arrimaha caruurta ee UNICEF ayaa ku baaqday in gargaar si dhaqsi ah loogu fidiyo shakhsiyaadka iyo qoysaska ay dhibaatadu saameysay.

Qaraxa ayaa ka dhashay haraaga walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen caruurta oo ku sugnaa tuulada Muraale ee hoostagta degmada Jannaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana qaraxa ku dhimatay 27 caruur ah, halka kuwo kalena oo badan ay dhaawacmeen.

- Advertisement -

Latest stories