HomeWararMW Xasan Sheekh oo Wakiilka Midowga Afrika kala hadlay dhimista Ciidamada ATMIS

MW Xasan Sheekh oo Wakiilka Midowga Afrika kala hadlay dhimista Ciidamada ATMIS

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding. Kulanka ayaa lagaga wadahadlay  habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga Ciidanka Xoogga […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Villa Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding.

Kulanka ayaa lagaga wadahadlay  habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey daddaallada ay ku bixineyso dowladda dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo dalka iyo dardargelinta howlgallada wajiga labaad, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha ciidamada ay ka gaareen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka Shabaabka ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab  iyo Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka si loo gaaro Soomaaliya nabad ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts