HomeWararCiidamada ATMIS oo dad Shacab ah ku dilay Beer ku taalla Degaanka...

Ciidamada ATMIS oo dad Shacab ah ku dilay Beer ku taalla Degaanka Jannaale

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

ugu yaraan hal qof oo rayida uu dhintay, shan kalena waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu madfac ku dhacay beer dad shacab ah ay ka rarayeen moos oo ku taala duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeeladda Hoose. Dad goobjoogayaal ahaa ayaa BBC-da u sheegay in saddexdii habeenimo uu madfac ku habsaday gaari moos lagu rarayay […]

- Advertisement -
- Advertisement -

ugu yaraan hal qof oo rayida uu dhintay, shan kalena waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu madfac ku dhacay beer dad shacab ah ay ka rarayeen moos oo ku taala duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeeladda Hoose.

Dad goobjoogayaal ahaa ayaa BBC-da u sheegay in saddexdii habeenimo uu madfac ku habsaday gaari moos lagu rarayay oo yaalay beer ku taala meel qiyaastii afar km u jirta Janaale.

- Advertisement -

Shanta qof ee dhaawacmay waxa ku jirta gabadh ganacsato ah oo lahayd rarka mooska laga qaadayay beerta.

Gudoomiyaha deegaanka Janaale Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdinuur ayaa BBC-da u sheegay in madafaca ku dhacay dadka beerta joogay laga riday xero ay dagan yihiin ciidamada Midowga Afrika.

“Waa ka wadahadalnay, inay iyagu tureen ayay sheegeen, waana la wada maqlayay oo jugta dhacaysay sagaal saac iyo bar habeenimo ayay ahayd, Jannaale oo dhan waa laga maqlay, inay tuureena iyagaa sheegay, macnaha way qirteen nimanka aan hadda isla joogno ee ATMIS, waxay dhaheen xog waxa naloo soo gudbiyay in meesha cadow ku sugan yahay, saas darteed baan weerarka u sameynay, koley marka baaritaan baa socda, wixii ka soo baxana dib baan ka soo sheegi doonaa.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Janaale

- Advertisement -

Dadka dhaawaca ah gaar ahaan kuwa aadka u liita ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho, halka kuwa kale lagu daweynayo xarun caafimaad oo ku taala Shalanbood oo aan ka fogeyn Janaale.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts