HomeWararHowlgal Dad lagu soo qabtay oo laga fuliyay xaafaddo ku dhow Garoonka...

Howlgal Dad lagu soo qabtay oo laga fuliyay xaafaddo ku dhow Garoonka Aadan Cadde

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa xalay howlgalo saacado qaatay waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Wadajir gaar ahaan xaafaddaha ku dhow Garoonka  diyaaradaha Aadan cadde. Howlgalka ayaa inta uu socday waxa ay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ay ku baarayeen guryaha, iyagoona kusoo qab-qatay dad u badan dhallinyaro […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidanka Nabadsugida Gobolka Banaadir iyo ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa xalay howlgalo saacado qaatay waxaa ay ka sameeyeen xaafaddo ka tirsan degmada Wadajir gaar ahaan xaafaddaha ku dhow Garoonka  diyaaradaha Aadan cadde.

Howlgalka ayaa inta uu socday waxa ay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida ay ku baarayeen guryaha, iyagoona kusoo qab-qatay dad u badan dhallinyaro oo looga shakiyay inay ku lug leeyihiin falal amni darro oo ka dhacay degmadaasi.

- Advertisement -

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Wadajir Xasan Cali Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay  in ujeedka howlgalka la sameeyay uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga degmada, isla markaana waxa uu xusay in howlgalkaas uu qeyb ka yahay howlgalo kale oo ka socda caasimadda oo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada.

Sidoo kale Taliye Xasan ayaa tilmaamay in howlgalka looga hortagayay kooxaha burcada ah ee dhaca u geysta dadka shacabka ah, Ciyaal weerada iyo ragga hubeysan ee dilalka qorsheysan geysta, isagoona sheegay Taliyaha in howlgalka uu sii socon  doono.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay u muuqday mid faraha kasii baxaya, waxaana ka dhacaayay dilal iyo weeraro, ay dad badan ku dhinteen, iyadoona laamaha ammaanka ay mar kasta sameeyaan howlgalo amni xaqiijin ah.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts