HomeWararWararkii ugu danbeeyay Qarax lagu soo xiray Gaari ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararkii ugu danbeeyay Qarax lagu soo xiray Gaari ka dhacay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Qarax miino lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu barqanimadii Maanta ka dhacay degmada Xamarweyne gaar ahaan agagaarka isgoyska Via Rooma ee degmadaas, waxaana jugta qaraxa laga maqlay Suuq degmada iyo xaafaddaha ku dhow. Gaariga oo laamiga dhinaciisa yaallay ayaa mar qura qarxay, isla markaana waxaa xilligaas ka maqnaa darawalkii gaariga waday, […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Qarax miino lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah ayaa waxa uu barqanimadii Maanta ka dhacay degmada Xamarweyne gaar ahaan agagaarka isgoyska Via Rooma ee degmadaas, waxaana jugta qaraxa laga maqlay Suuq degmada iyo xaafaddaha ku dhow.

Gaariga oo laamiga dhinaciisa yaallay ayaa mar qura qarxay, isla markaana waxaa xilligaas ka maqnaa darawalkii gaariga waday, Goobjoogayaal ayaa waxa ay ku warrameen in qaraxa ay ku dhaawacantay hal qof oo haweeney ah oo Mooto Bajaaj saarneyd.

- Advertisement -

Sawirro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa muujinayay burbur gaaray qeyb kamid ah gaariga oo noociisu ahaa midka raaxada, kaasi oo xiligii uu qaraxu dhacaayay qaab baakin ahaa u hoos yaalay geed hoostiis oo laamiga dhinaciisa ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka degmada Xamarweyne oo ku sugnaa meel ku dhow goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa tagay halkaas, iyaga oo daqiiqado kooban hakad geliyey isku socodka aaga, wallow markii dambe ay dib u fureen wadada oo ay xireen.

Illaa iyo hada lama oga cida gaariga qaraxaas miinada ahaa loogu soo xiray, balse Qaraxaas ayaa waxaa kamid noqonayaa falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts