HomeWararMadaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho Rasmi ah ay uga Bilaabatay Dalka Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho Rasmi ah ay uga Bilaabatay Dalka Talyaaniga

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka faca-weyn ee dalkeennu uu la leeyahy Talyaaniga. Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Madxda dalkan ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Roma ee dalka Talyaaniga oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka faca-weyn ee dalkeennu uu la leeyahy Talyaaniga.

Madaxweynaha oo marti-qaad ka helay Madxda dalkan ayaa kulammo la qaadan doona dhiggiisa Mudane Sergio Mattarella iyo Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni oo ay ka wada-xaajoonayaan kobcinta iskaashiga labada dal, xaaladda gobolka iyo hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Talyaaniga.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xambaarsan qorshaha qaran ee dabar-goynta Alshabaab ayaa Madaxda Talyaaniga u soo bandhigaya dhinacyada ay danaynayso dowladda Federaalka Soomaaliya in laga caawiyo, si guul dhammeystiran looga gaaro dagaalkan, loona gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed xasilloonida iyo nabadda ay naawilayaan.

Sidoo kale, Labada dal ayaa ka arrinsanaya iskaashiga dhinacyada maalgashiga, dhaqaalaha, Warshadaha iyo waxbarashada, iyadoo Madaxda iyo diblumaasiyiinta ku wehelinaya safarkan Madaxweynaha Jamhuuriyadda ay la saxiixan doonaan dhiggooda dalka Talyaaniga heshiisyo iyo is-afgarad ku qotoma danaha dalkeeinna.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts