HomeWararPuntland oo war kasoo saartay dagaalka dagaalka Laascaanood

Puntland oo war kasoo saartay dagaalka dagaalka Laascaanood

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Millateriga Somaliland iyo dadka degaankaasi. War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu yiri: 1-Dowlad Goboleedka Puntland waxay cambaareynaysaa xasuuqa ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka wadaan Magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada. Waa […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa war kasoo saartay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya Ciidanka Millateriga Somaliland iyo dadka degaankaasi.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu yiri:

- Advertisement -

1-Dowlad Goboleedka Puntland waxay cambaareynaysaa xasuuqa ay Ciidamada Maamulka Somaliland ka wadaan Magaalada Laascaano iyo deegaanada hoos yimaada. Waa nasiib darro in Maamulka Somaliland ku tilmaamaan Shacabka Magaalada Laascaano iyo hogaankooda dhaqanka in ay yihiin Argagixiso.

2-Dowlad Goboleedka Puntland waxay caddeynaysaa in aysan qayb ka ahayn dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood, uuna yahay dagaal dadka Shacabka ah ee Reer Laascaanood ay isaga difaacayaan gumaadka ay ku hayaan Ciidamada Somaliland ee muddada 15ka sano ahayd ku haysta Shacabka Magaalada Laascaano caburin, dilal qorshaysan, xarig iyo tacadiyo kaleba si ay qori caaraddiis ugu khasbaan rabitaankooda gooni goosadka ah, una hor istaagaan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

3-Dowlad Goboleedka Puntland, sidii ay horeyba u sheegtay, waxay soo dhaweynaysaa in dadka Deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimada dhaqanka ay aayahooda ka tashadaan.

- Advertisement -

4-Puntland waxay magacaabaysaa Guddi dadka deegaanka kala shaqeeya gurmadka iyo taakuleynta arrimaha bini’aadantinimada. Sidoo kale, Dowladda Puntland waxay hay’adaha Caalamiga ah ugu yeeraysaa in ay gacan ka geystaan sidii gargaar deg deg loo gaarsiin lahaa dadka ku barakacay dagaalka Magaalada Laascaano iyo kuwa dhaawacmayba.

5-Waxaan Maamulka Somaliland ugu baaqeynaa in ay si deg deg ah u joojiso gumaadka ay dadka shacabka ah ku hayso, kalana baxdo ciidankeeda Laascaano iyo deegaanada kale ee Gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts