HomeWararShirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta KGS oo Baydhaba ka furmaya iyo Ammaanka...

Shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta KGS oo Baydhaba ka furmaya iyo Ammaanka oo la adkeeyay

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda ee Mucaaradka ah. Waxaa magaalada Baydhaba si weyn looga dareemayaa diyaar garowga ku aaddan Shirkaasi, waxaana halkaasi ku sugan siyaaasiyiinta labada dhinac ee Mucaaradka iyo Madaxda Maamulkaasi. Shirkaasi ayaa la filayaa […]

- Advertisement -

Magaalada Baydhabo ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo shirka dib u heshiisiinta ee u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta ka soo horjeeda ee Mucaaradka ah.

Waxaa magaalada Baydhaba si weyn looga dareemayaa diyaar garowga ku aaddan Shirkaasi, waxaana halkaasi ku sugan siyaaasiyiinta labada dhinac ee Mucaaradka iyo Madaxda Maamulkaasi.

- Advertisement -

Shirkaasi ayaa la filayaa inay ka qayb galaan madax sare oo ka socota dawladda Federaalka ah oo ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Afhayeenka golaha shacabka Sh. Aadan Madoobee, iyo masuuliyiin kale.

Ammaanka guud ee Magaalada ayaa la adkeeyay,waxaana waddooyinka iyo aagga lagu qabanayo shirka la geeyay Cidamo aad u farabadan oo sugaya amniga Magaalada.

Ciidamada Dowladda, kuwa Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ayaa iska kaashanaya sugidda amaanka, iyadoo guryaha ay degayaan masuuliyiinta iyo xaafadaha kala duwan la geeyay Ciidankaasi.

- Advertisement -

Wasiirka aminiga maamulka Koofur Galbeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Xilgaar ah iska saareen ammaanka shirkaasi, waxaana shirkaasi ka qayb galaya Masuuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Latest stories