HomeWararMareykanka oo Faah faahiyay Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay ku wareejiyeen...

Mareykanka oo Faah faahiyay Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay ku wareejiyeen Ciidanka Xoogga

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dowladda Mareykanka ayaa saanad ciidan oo isku jirto hub, gaadiid, agab caafimaad iyo agab kale, qeyma ahaan dhan 9 milyan oo dollar ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) xaflad Axadii 8-dii Janaayo ay ka qeyb galeen wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo safiirka Mareykanka Larry André. Marka laga reebo hubka culus, agabka ciidan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa saanad ciidan oo isku jirto hub, gaadiid, agab caafimaad iyo agab kale, qeyma ahaan dhan 9 milyan oo dollar ku wareejisay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed (SNA) xaflad Axadii 8-dii Janaayo ay ka qeyb galeen wasiirka gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo safiirka Mareykanka Larry André.

Marka laga reebo hubka culus, agabka ciidan waxaa ka mid ahaa baabuurta taakulaynta iyo dhismaha, agabka lagu meeleyo waxyaabaha qarxa, agabka dayactirka gaadiidka iyo hubka. Sahayda ciidan ayaa hadda kusii wajahan Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug si loogu taageero Ciidamada XDS.

- Advertisement -

“Waxaan ku faraxsannahay guulaha ay ka gaareen ciidamada Soomaaliyeed ee dagaalka taariikhiga ah ay kaga xoreyeen ummada Soomaaliyeed dhibaatada Al-Shabaab,” ayuu yiri danjire André. “Kani waa olole ay hormuud ka tahay Soomaali. Maraykankuna wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay nooga go’an tahay inaan taageerno dadaalkiina.”

Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa u mahadceliyey dowladda Mareykanka, isagoo yiri, “Waxaan rabaa in an halkan dowladda Mareykanka uga gudbiyo mahadnaqa kasocoto Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada joogtada ah ee ay siiso geeddi-socodka nabadeynta Soomaaliya iyo taageerada la dagaallanka argagixisada. Taageeradan ciidan ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi annagoo kor u qaadayna awoodooda la dagaalanka al-Shabaab.”

Wasiirka ayaa waxaa xafladda ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage.

- Advertisement -

Hubka oo ay ku jiraan qoryaha fudfudud iyo kuwa culculus ayaa waxaa lagu soo iibiyay dhaqaalaha ay bixisay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka. Hubkan waa la calaamadeeyay oona la diiwaan geliyay iyadoo la raacayo habka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Maareynta Hubka iyo Rasaasta, oo loogu talagalay in lagu xisaabtamo laguna xakameeyo hubka ciidamada Soomaaliyeed iyo hubka lagu qabto furimaha dagaalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts