HomeWararShil Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Shil Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh gaystay oo ka dhacay Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa Goordhawow Wadadada 21ka November ee kala qaybisa degmooyinka Wartanabadda iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Shirl khasaare badan dhaliyay, kaasi oo ay kasoo baxayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan shilkaasi. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in shilkaasi yimid kadib markiii Gaari nooca  xamuulka qaada ah uu kusoo farriin goostay gawaari halkaas […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Goordhawow Wadadada 21ka November ee kala qaybisa degmooyinka Wartanabadda iyo Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho ka dhacay Shirl khasaare badan dhaliyay, kaasi oo ay kasoo baxayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan shilkaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in shilkaasi yimid kadib markiii Gaari nooca  xamuulka qaada ah uu kusoo farriin goostay gawaari halkaas mareysay, waxaana ka shashay sida wararku tilmaamayaan khasaare soo gaaray dad shacab ah oo waddada marayay.

- Advertisement -

inta la xaqiijiyay waxaa shilkaasi ku geeriyootay gabar arday aheyd oo kasoo baxday Jaamacad, waxaana sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray dad gaaraya 10 ruux, oo ku sugnaa halka shilkasi ka dhacay.

Sidoo kale waxaa burburay gawaaridii uu jiiray gaarigii weynaa ee soo farriin goostay, kuwaas oo iskugu jira gawaari raaxo, kuwo waaweyn iyo Mooto Bajaajyo laamiga marayay.

Dadkii dhaawacyadu kasoo gaareen Shilkaasi ayaa Cusbitaalada loola-cararay si xaaaladooda caafimaad loola tacaalo, waxaana wararka qaar ay tilmaamayan in dhaawacyo culus ay jiraan, taasi oo sababi karta in khasaaraha dhimashada uu sii kordho.

- Advertisement -

Waddooyinka muqdisho ayaa waxaa inta badan ka dhaca Shilalka noocaan oo kale ah, waxaana loo sababeeya mashquulka badan ee waddooyinka iyo gaadiidka xamuulka ah oo waqti u gaar ah aan lahay, waxaana xusid mudan in dhowr jeer lagu amray gaadiidka Xamuulka qaada inay habenkii socdaan, balse taasi hadda Meesha waa ay ka baxday, waxaana soo batay shilalka ay sababayaan gaadiidka waa weyn.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts