HomeWararRag hubeysan oo Nabaddoon caan ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho

Rag hubeysan oo Nabaddoon caan ahaa ku dilay Magaalada Muqdisho

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Rag hubeysan oo watay bastoolado ayaa xalay degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir ku dilay nabaddoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xirsi Cali Diirshe, isagoo u geeriyooday rasaas dhowr ah looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa. Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in nabaddoonka la dilay, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii […]

- Advertisement -

Rag hubeysan oo watay bastoolado ayaa xalay degmada Hiliwaa ee Gobolkaan Banaadir ku dilay nabaddoon caan ahaa oo lagu magacaabi jiray Xirsi Cali Diirshe, isagoo u geeriyooday rasaas dhowr ah looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in nabaddoonka la dilay, xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo tukaday salaadii cishaha ee xalay, waxaana markii dambe goobta ka baxsaday raggii hubeysnaa ee dilka khaarijinta ah fuliyay.

- Advertisement -

Ciidamada ammaanka degmada Hiliwaa ee ka howlgala ayaa dilka kaddib gaaray goobta lagu dilay nabaddoonka, mana ku gulesan ciidamada amniga in gacanta kusoo dhigaan ragii dilkaasi geestay.

Falalka amni darro sida dilalka qorsheysan iyo weerarada ayaa kusoo badanaya gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana inta badan falalkaas mas’uuliyadooda sheegta dagaalamayaasha Al-shabaab.

Latest stories