HomeWararRW ku Xigeenka Liibiya oo lagala hadlay fududeynta dib usoo celinta Tahriibayasha...

RW ku Xigeenka Liibiya oo lagala hadlay fududeynta dib usoo celinta Tahriibayasha Soomaalida

Date:

Related stories

Soomaaliya iyo Kenya oo Suuq Cusub Furaya

Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xirka dhaqaale.

Daniel iyo Labada Hooyo: Xaqiiqada Sheekada

Daniel iyo labada hooyo: maxaa run ah, maxaase aan la xaqiijin?

Xasan Sheekh oo Belgrade Fariin Adag Ka Jeediyay

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Belgrade uga qaybgalaya shir lagu xusayo 65-guuradii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga Ahayn,

Koonfur Galbeed Oo Ansixisay Dib-u-eegista Miisaaniyadda 2026

Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey dib-u-eegista miisaaniyadda 2026, kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ku saabsan dakhliga, deeqaha iyo kharashaadka dowladda.

Maxay McDonald’s Iyo KFC Uga Cabsadeen Soomaaliya?

Inkasta oo Muqdisho ay ku badan yihiin burgerro, shawarma iyo digaag la shiilay, shirkadaha waaweyn sida McDonald’s, KFC iyo Starbucks weli si rasmi ah ugama howlgalaan Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Daud Aweis Jama oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Tripoli, ayaa maanta la kulmey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuriyadda Libya Hussein Atiya Abdulhafid Al Qatrani. Wasiirka ayaa Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Libya u gudbiyay salaan uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, […]

- Advertisement -

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya,  Daud Aweis Jama oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Tripoli, ayaa maanta la kulmey Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Jamhuriyadda Libya Hussein Atiya Abdulhafid Al Qatrani.

Wasiirka ayaa Raiisul Wasaare Ku Xigeenka Libya u gudbiyay salaan uu uga siday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, kadibna uga warbixiyay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan horumarka dhanka siyaasadda, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab  iyo xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo caalamka.

- Advertisement -

Waxaa kale oo kulankaasi ay labada dhinac kaga wada hadleen xiriirka labada dal, barnaamijka wax loogu qabanayo muhaajiriinta Soomaaliya ee ku nool Libya ee doonaya in dib dalkooda loogu celiyo , iyo arrimaha kale ee labada dal ay iska kaashan karaan.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Libya Mudane Al Qatrani ayaa ka mahad celiyay booqashada Wasiirka Warfaafinta uu ku joogo Libya, isagoo intaa ku darey in Libya ay diyaar u tahay sare u qaadidda xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Latest stories