HomeWararDowladda Itoobiya oo ciidamo u daadguraynayso gobolka Oramia

Dowladda Itoobiya oo ciidamo u daadguraynayso gobolka Oramia

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo federaal ah gaysay mar kale gobolka Oromada oo ay ku soo noqnoqdeen weerarrada kooxaha hubeysan. Maleeshiyada Axmaarada ayaa lagu eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof halka kumanaan kalena ay ku barakaceen magaalooyinka Anger Gute iyo Kiramu ee ku yaala bariga xuduudka gobolka Axmaarada. Si kastaba ha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo federaal ah gaysay mar kale gobolka Oromada oo ay ku soo noqnoqdeen weerarrada kooxaha hubeysan. Maleeshiyada Axmaarada ayaa lagu eedeeyay weeraradii ugu dambeeyay ee galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof halka kumanaan kalena ay ku barakaceen magaalooyinka Anger Gute iyo Kiramu ee ku yaala bariga xuduudka gobolka Axmaarada.

Si kastaba ha ahaatee qoomiyada Axmaarada ee laga tirada badan yahay ee ku dhaqan deegaanka ayaa ku eedaynaya koox gacan saar la leh kacdoonka Oromada ee OLA.

- Advertisement -

Dadka ku dhintay deegaanka Kiramu ayaa waxaa ka mid ah garsoore deegaanka ka howl gala iyo ciidamo ka tirsan booliska gobolka.

“Waxaa jirtay horumar tan iyo markii ciidamada federaalku ay galeen magaalada Anger Gute,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan dadka deegaanka oo BBC-da la hadlay.

Maamulka deegaanka ayaa sheegay in loo baahan yahay gargaar bini’aadantinimo oo degdeg ah maadaama jidgooyooyin halis ah oo ay dhigteen kooxaha hubeysan ay caqabad ku noqdeen isu socodka gobolka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts