HomeWararGuddoomiye Shuute oo soo saaray Digniin culus, kadib heshiiskii lagu gaaray Cadale

Guddoomiye Shuute oo soo saaray Digniin culus, kadib heshiiskii lagu gaaray Cadale

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sidda Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo saaray Digniin ku socota Odayaasha dhaqanka, ganacsatada cid kasta oo isku dayda inay isku dirto beelaha ku dagaalama Gobolka Shabeellaha Dhexe. Guddoomiye Shuute oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in degmada Cadale ay u tageen sidii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sidda Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa soo saaray Digniin ku socota Odayaasha dhaqanka, ganacsatada cid kasta oo isku dayda inay isku dirto beelaha ku dagaalama Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Guddoomiye Shuute oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu u sheegay in degmada Cadale ay u tageen sidii loo joojin lahaa dagaal beeleedyada khasaaraha geysta ee kusoo noq-noqday deegaano hoostega degmadaas ee dhexmara beelo walaalo ah.

- Advertisement -

Guddoomiyaha ayaa sheegay in deegaanadii lagu dagaalamay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay ka howlgeli doonaan Ciidamo gaar ah iyo xeer ilaaliye ka socda garsoorka ciidamada, isla markaana cid kasta oo isku dayda inay dagaal abuurto laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Wuxuu intaas hadalkiisa kusii daray Guddoomiye Xasan Cali Nuur Shuute in qofkii dambe ee qof dila halkiisa lagu dili doono, isla markaana qofkii aan dil muteysana lagu xukumi doono xabsi dheer, isagoona tilmaamay in qof kasta oo isku dirta beelaha si deg deg ah tallaabo looga qaadi doono.

Heshiiskii ay gaareen beelihii dagaalamay ee habeen ka hor lagu kala saxiixday Cadale ayuu sheegay Shuute inuu yahay mid aad u fiican oo lagu kala nabad gelaayo, isagoo cadeeyey in garsoonka ciidamada ay ka go’antahay in heshiiskaas la dhaqan geliyo.

- Advertisement -

Si kastaba dagaal beeleedyo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay deegaano hoostega degmadab Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Colaadas ugu danbeyn habeeno kahor laga gaaray heshiis.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts