HomeWararCiidanka Amniga oo xaafad ka tirsan Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysaneysay

Ciidanka Amniga oo xaafad ka tirsan Muqdisho ku qabtay Burcad dhac geysaneysay

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Duuliyihii Flydubai oo Weerar Lagu Dhaawacay

Duuliyihii diyaaradda Flydubai ee ka duushay Dubai kuna socotay Tel Aviv ayaa dhaawacmay kadib iska horimaad ka dhacay qolkii duuliyayaasha, iyadoo diyaaradda si degdeg ah loogu dejiyay Tabuk, Sacuudiga.

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa howlgala degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir ayaa xalay gudaha degmadaas ku qabtay burcad hubeysan oo dhac u  geysaneysay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka degmada. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in ciidamada amniga Warta-nabadda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ciidamada ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa howlgala degmada Warta-nabadda ee Gobolkaan Banaadir ayaa xalay gudaha degmadaas ku qabtay burcad hubeysan oo dhac u  geysaneysay dad shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka degmada.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Duudishe oo qoraal kooban soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in ciidamada amniga Warta-nabadda ay gacanta kusoo dhigeen laba nin oo dhac geysaneysay, hubkoodii iyo mooto Bajaaj dhaca lagu geysanayey.

- Advertisement -

Afhayeen Sadiiq ayaa tilmaamay in burcada lagu qabtay Waaxda Barwaaqo ee Xaafda Xamar-Jadiid, iyaga oo xilligaas falka ku guda jiray, wuxuuna intaas kusii daray in mootada ay wateen burcada isla xalay fiidkii dhac ka geysatay Xaafada DAALO ee degmada Howl-wadaag.

“Caawa 26/Nov/2022, abaare 10:00 fiidnimo, ayaa Ciidanka Bolliiska Soomaaliyeed ee Saldhiga Boliiska Degmada Warta-nabadda, waxey Waaxda Barwaaqo ee Xaafda Xamar-Jadiid gacanta ku dhigeen Mooto Bajaaj RE-Gaduud ah taarkadeedu tahay M1D595, labo eedeysane, hubkoodii iyo dhibaneyaashii dhaca loo gesytay” ayuu yiri Afhayeenka.

Gaba-gabadii Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Duudishe ayaa shacabka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku wargeliyay inay socdaan howlgalo lagula dagaalamayo Burcada hubaysan iyo kuwa falalka amni darro ka geysta gudaha magaalada.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts