HomeWararXildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyey Miisaaniyadda sannadka 2023

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo Maanta ansixiyey Miisaaniyadda sannadka 2023

Date:

Related stories

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Over 40 Al-Shabaab Fighters Killed in Goobo, Hiiraan

The Somali National Armed Forces, supported by international partners, killed more than 40 Al-Shabaab militants and wounded 12 others during a coordinated airstrike in the village of Goobo, Hiiraan region, late Monday night.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Puntland. Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2023 oo […]

- Advertisement -

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 14-aad ee Kal-fadhiga 51-aad Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 40 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2023 oo Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey sida uu qabo Dastuurka Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad

- Advertisement -

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 37 Xildhibaan, diidmo 0, aamus 3, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Maamulka sannadka 2023 taasoo dhan $376,699,825, ( Saddex boqol todobaatan lix malyan, lix boqol sagaashan iyo sagaal kun, sideed boqol labaatan iyo shan dollar).

ku talo-galka dhakhliga gudaha sannadkaan ayaa noqonayaa $97,212,528 oo bishii ku qoondaysan 8,101,044, dhakhligaan oo ka soo xaroonaya saddex iyo toban madax oo ka kala imanaya dhammaan gobollada Puntland.

Miisaaniyadda 2023 ayaa waxaa ku jira kab miisaaniyadeed oo wadar ahaan dhan $22,275,432 oo bishii ku qoondaysan $1,856,286 oo la la filayo in laga helo beesha caalamka, kabkaas oo loo qorsheeyey in lagu daboolo farqiaga u dhexeeya dhakhliga iyo kharashka gudaha. Wadarta guud ee dhakhliga gudaha iyo kabka dhakhliga ayaa noqonaya dakhli dhan $119,487,960 taas oo bishii ku qoondeysan $9,957,330

Latest stories