HomeWararDF oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay Howlgal culus oo ka dhacay...

DF oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay Howlgal culus oo ka dhacay degaanka Ceeldheere

Date:

Related stories

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026

Rodri oo ku guulaystay abaalmarinta Golden Ball ee Koobka Adduunka 2026, isagoo Spain ku hoggaamiyay guushii ay ka gaareen Argentina. Wuxuu noqday ciyaaryahanki 4aad ee taariikhda ku guulaysta Koobka Adduunka

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigtay finalka Koobka Adduunka 2026

Shakira oo bandhig cajiib ah ka dhigaysa finalka Koobka Adduunka 2026, iyadoo ku soo bandhigtay heesta "Dai Dai" ay weheliyaan Burna Boy, Madonna, Justin Bieber iyo Ghetto Kids

Ferran Torres: Spain waxay leedahay 26 hoggaamiye Koobka Adduunka 2026

Ferran Torres oo sheegay in xulka Spain uu leeyahay 26 hoggaamiye, isagoo xasuusiyay koobkii 2010-kii iyo David Villa. Akhri wararka cusub ee Koobka Adduunka 2026.

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Ciidamada xoogga dalka, kuwa hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo saacado badan qaatay ka fuliyay deegaanka Ceeldheere oo dhaca xuduudda Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan. Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu ku sheegay […]

- Advertisement -

Ciidamada xoogga dalka, kuwa hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA iyo ciidanka deegaanka ee macwiisleyda ayaa howlgal qorsheysan oo saacado badan qaatay ka fuliyay deegaanka Ceeldheere oo dhaca xuduudda Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Alcadaala oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu ku sheegay in howlgalka oo ay barbar socotay duqeyn diyaaradeed ay fuliyeen Mareykanka lagu beegsaday dagaalyahano ka tirsanaa Al-shabaab.

- Advertisement -

Wasiir Alcadaala ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay ku dhawaad 100 xubnood oo isugu jiray dagaalyahano iyo saraakiil, waa sida uu hadalka u dhigay Wasiir Alcadaala oo aan sheegin khasaaraha howlgalka ciidamada dowladda Federaalka kasoo gaaray.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa tilmaamay in xubnaha la beegsaday ay ahaayeen kuwo isku uruursanayey deegaanka Ceeldheere, isla markaana haatan ay deegaankaas ku sugan yihiin ciidamada xoogga.

Gaba-gabadii Cabdiraxmaan Alcadaala ayaa xusay in Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa nabadsugida ay ku daba jiraan saraakiil uu sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo baxsaday, wuxuuna intaas kusii daray in howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab uu sii socon doono.

Latest stories