HomeWararCiidamada Somaliland oo Shabakad hubeysan ku qabtay Magaalada Laascaanood

Ciidamada Somaliland oo Shabakad hubeysan ku qabtay Magaalada Laascaanood

Date:

Related stories

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Maxkamad Mumbai oo 44 Soomaali ku xukuntay xabsi daa’in

Maxkamad gaar ah oo ku taal Mumbai ayaa 44 muwaadin Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa'in kadib markii ay qireen dembiyada burcad-badeednimo. Ciidanka Badda Hindiya ayaa lagu ammaanay geesinimadooda.

Aabbe oo si kulul uga falceliyay wiilkiisa oo sigaar TikTok Live ku dhaxcabaya

Aabbe Mexico ah ayaa si kulul uga falceliyay wiilkiisa 13 jirka ah markii uu ku arkay isagoo sigaar cabaya TikTok Live. Muuqaalka ayaa dhaliyay dood ku saabsan doorka waalidiinta iyo baraha bulshada.

One Dead as Puntland Security Forces Clash in Bosaso

At least one Puntland Security Force soldier was killed...

Haweeney Ruush ah oo cabasho muusig uga aargoosatay deriskeeda AK-47

Haweeney Ruush ah ayaa cabasho muusig uga jawaabtay deriskeeda iyadoo AK-47 ku ridday gurigeeda. Muuqaalka ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, isagoo dhaliyay falcelinno kala duwan.

Ciidamada Booliska Somaliland ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad hubeysan oo la sheegay inay falal amni darro ka fulin jirtay xaafaddaha kala duwan ee magaaladaas. Ciidamada Booliska Sool ayaa qabtay shabakadda hubeysan oo lagu eedeeyay inay dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Laascaanood u geysteen dad shacab […]

- Advertisement -

Ciidamada Booliska Somaliland ee ka howlgala magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa gacanta kusoo dhigay shabakad hubeysan oo la sheegay inay falal amni darro ka fulin jirtay xaafaddaha kala duwan ee magaaladaas.

Ciidamada Booliska Sool ayaa qabtay shabakadda hubeysan oo lagu eedeeyay inay dilal qorsheysan oo ka dhacay magaalada Laascaanood u geysteen dad shacab ahaa, mas’uuliyiin iyo Askar Ciidan, waxaana xubnaha lagu xiray Saldhig ay leeyihiin ciidamada.

- Advertisement -

Qoraal uu soo saaray Booliska Gobolka ayaa lagu sheegay in inta uu socday howlgalka lagu soo qabanayay shabakadda uu iska horimaad kooban uu dhexmaray ciidamada iyo xubnaha la qabtay, iyagoona xusay in ugu dambeyn gacanta kusoo dhigeen.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Sool Gaashaanle Dhexe  Cali Axmed Shire, wuxuuna sheegay inay weli ku daba jiraan qeybo kamid ah shabakaddaas lagu qabtay.

Magaalada Laascaanood ayaa waxaa horey loogu dilay dad isugu jiray mas’uuliyiin Askar iyo shacab, iyadoo falalkaas inta badan ay geysteen kooxo hubeysan oo aan heyntooda la garan. Somaliland ayaa horey magaaladaas uga soo masaafurisay kummanaan dad ah, kana soo jeeda koonfurta Somalia , kuwaasi oo lagu eedeeyay amni darrada magaalada.

Latest stories