HomeWararSawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

Date:

Related stories

UN Warns Famine Risk Looms for 6M Somalis

The United Nations has issued an urgent appeal for...

Government, Opposition Reach Election Consensus

Political talks underway in Mogadishu have made significant progress,...

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa kormeeray furimaha dagaalka ee ciidamada xoogga iyo macwiisleyda ee Gobolkaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay difaacyada ciidamada dowladda iyo kuwa macwiisleyda ay ugu jiraan degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, wuxuuna sidoo kale Xasan u kuur-galay […]

- Advertisement -

Madaxweynaha dowlad Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Maamulka Hirshabeelle ayaa kormeeray furimaha dagaalka ee ciidamada xoogga iyo macwiisleyda ee Gobolkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay difaacyada ciidamada dowladda iyo kuwa macwiisleyda ay ugu jiraan degaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe, wuxuuna sidoo kale Xasan u kuur-galay sida ay ciidamada ugu diyaargaroobeen dagaalka Al-shabaab.

- Advertisement -

Sidoo kale Madaxweynaha dowladda ayaa ciidamada ku boggaadiyay dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobolka, isla markaana ku dhiirageliyay ciidamada Xoogga dalka iyo ciidamada deegaanka dagaalka.

Madaxweynaha ayaa waxaa booqashadan ku wehelinayey Madaxweynaha dowlad-goboleedka Hir-shabeelle, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Xildhibaano, guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmo kahor booqday deegaanada Nuur-dugle iyo Masaajid Cali guduud oo ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee laga xoreeyey Al-Shabaab, isagoona halkaas kula kulmay Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada.

- Advertisement -

Latest stories