HomeWararTaliye Xijaar oo shaaciyay xilliga dalka dib ugu soo laabanayaan Ciidamo tababar...

Taliye Xijaar oo shaaciyay xilliga dalka dib ugu soo laabanayaan Ciidamo tababar ku maqan

Date:

Related stories

Parliament set to reopen as fight for speaker post heats up

Somalia's federal parliament will reopen on August 1 with...

Guryo iyo ganacsi oo laga dhisayo Tarabuunka

Maamulka gobolka Banaadir ayaa khaati u taagay hirgelinta Beerta Dream oo ka dhisnaan doonta deegaanka Tarabuunka ee Muqdisho. Mashruucan ayaa ka koobnaan doona guryo, goobo ganacsi,

Somalia, UK deepen military ties in Mogadishu talks

Somali National Army (SNA) Commander Brigadier General Ibrahim Mohamed...

Sting Balls Fired as Protesters Block Chicago ICE Entrance

Protesters clashed with ICE officers outside a Chicago facility as tear gas was deployed and multiple arrests made. The confrontation escalated when demonstrators blocked the entrance to the Broadview immigration center.

Somalia unveils National Cybersecurity Risk Management Framework

Somalia's National Communications Authority (NCA) launches the National Cybersecurity Risk Management Framework to protect Critical Infrastructure and enhance digital security.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraa Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xeray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed. Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti, waxaana ay dalka kusoo laaban doonaan todobaadka soo socda. Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay […]

- Advertisement -

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraa Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xeray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Booliska Soomaaliyeed.

Dufcadaan oo noqoneysa dufcadii 17-aad ee ciidanka Booliska ayaa tababarkooda waxaa iska kaashaday dowladaha Soomaaliya, Talyaaniga iyo Jabuuti, waxaana ay dalka kusoo laaban doonaan todobaadka soo socda.

- Advertisement -

Taliyaha Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Cutubtayaddaan tababarka soo dhameystay la geyn doona deegaanadda laga xorreeyay Al Shabaab si ay ula wareeggaan ammaanka goobahaasi, isla markaana ay uga shaqeeyaan xasilloonidda iyo wada noolaashiyaha bulshada.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa horey loogu soo tababaray Ciidamo farabadan oo kamid ah  Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliska, iyadoona sidoo kalena weli dalkaas tababaro uga socdaan Cutubyo Ciidan kale.

Latest stories