HomeWararWararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo saaka weerar Qaraxyo ku qaaday degaanka Qaayib

Wararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo saaka weerar Qaraxyo ku qaaday degaanka Qaayib

Date:

Related stories

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza

Uganda oo ogolaatay inay ka qayb qaadato howlgalka nabad-ilaalinta ee Gaza kaddib codsi Trump, iyadoo dalal kale ay weheliyaan.

Xuutiyiinta oo jebisay xabbad joojin 4 sano ah kadib weerarkii Abha

Xuutiyiinta oo weerartay Garoonka Caalamiga ah ee Abha, iyagoo jebiyay xabbad-joojin 4 sano ah. Xiisadda u dhaxaysa Sacuudiga iyo Xuutiyiinta ayaa sii kordheysa kaddib weerarkii Sanaa.

Soomaaliya oo ECOSOC ku soo bandhigtay horumarkeeda

Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene oo ECOSOC ku soo bandhigay guulaha Soomaaliya, isagoo xusay NTP 2025–2029 iyo horumarka laga gaaray dimuqraadiyadda, dhaqaalaha iyo dowlad-dhiska.

Blanche oo jidka ugu jira Sanduuqa $1.8 bilyan oo la tirtiray

Todd Blanche oo la filayo inuu si fudud u xaqiijisto hay'adaha sare ee Maraykanka inkastoo uu wehliyo culeysyo kala duwan, iyadoo ay jirto su'aal ku saabsan madax-banaanida Wasaaradda Caddaaladda.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka oo jimco ah weerar ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ah ku qaaday deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug. Weerarka qaraxyada kadib ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada ku sugnaa Saldhiga deegaanka […]

- Advertisement -

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka oo jimco ah weerar ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ah ku qaaday deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Weerarka qaraxyada kadib ayaa waxaa deegaanka ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada ku sugnaa Saldhiga deegaanka Qaayib, waxaana inta uu socday dagaalka la maqlayey hubka noocyadiisa kala duwan.

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo ahaa mid qaraxyo ku bilowday, illaa iyo hada si rasmi ah looma oga khasaaraha, in kastoo dhinacyada ay guulo ka kala sheegteen dagaalkaas dhacay.

Wakaalada wararka SONNA ayaa qortay in Ciidanka dowladda Federaalka ay iska difaaceen weerarkii saaka ee Al-shabaab, isla markaana Shabaabka khasaaro lagu gaarsiiyey halkaas, mana jirto faah faahin intaas ka badan oo dowladda bixisay.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa tilmaamtay iney la wareegtay xerooyinka ciidamadda ee weerarka lagu bartilmaameedsaday, iyadoo kooxda ay sheegtay iney saanad ciidan iyo hub iyo agab kale ay ka soo qaadatay saldhigyadii ciidamadda.

- Advertisement -

Waa weerarkii labaad ee qaraxyo ah oo dagaalamayaasha Al-shabaab ku qaaday deegaanka Qaayib oo hoostaga degmada Baxdo, waxaana sidan oo kale Shabaab u weerareen horraantii bishaan, Al-shabaab ayaa muddo dheer maamuleysay deegaanka.

Latest stories