HomeWararQaramada Midoobay oo Baarlamaanka Somalia ka dalbatay ansixinta Hindise sharciyeed

Qaramada Midoobay oo Baarlamaanka Somalia ka dalbatay ansixinta Hindise sharciyeed

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Iyadoo ay billaabanayaan 16ka maalmood ee caalamiga ah ee u hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku baaqday in la Laballaabo dadaallada looga hortagayo waxna looga qabanayo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha. “Dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka socda Soomaaliya waxay barakiciyeen dad badan waxayna haweenka iyo gabdhahu […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Iyadoo ay billaabanayaan 16ka maalmood ee caalamiga ah ee u hawlgelidda la dagaallanka Xadgudubka ku Salaysan Jinsiga ayaa Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku baaqday in la Laballaabo dadaallada looga hortagayo waxna looga qabanayo xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

“Dhibaatooyinka bani’aadantinimo ee ka socda Soomaaliya waxay barakiciyeen dad badan waxayna haweenka iyo gabdhahu geliyeen khatar weyn oo rabshado wadata oo ay ku jiraan tacaddiyada jinsiga. Xadgudubyada jinsiga ku saleysan iyo xadgudubyada jinsiga ee la xiriira colaadaha waxay si ba’an u saameeyaan xaqa nolosha, hab-nololeedka iyo sharafta haweenka iyo gabdhaha,” ayay tiri Ku-simaha Madaxa Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Anita Kiki Gbeho.

- Advertisement -

“In gargaarka bani’aadantinimo laga dhigo mid ay u wada dhanyihiin lab-iyo-dheddig iyo in haweenka iyo gabdhaha loo abuuro jawi nabdoon ayaa ah arrin aad muhiim u ah,” ayay raacisay Marwo Gbeho.

Halkudhigga ololaha sanadkan oo ah – ‘U Midooba! U Hawlgelidda Lagu Cirib-tirayo Xadgudubka Ka-dhanka ah Haweenka iyo Gabdhaha!’ – ayaa muujinaya baahida degdega ah ee loo qabo in la is bahaysto oo laga hortago xadgudubyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha.

Ciribtirka takoorka dhan kasta, oo u uku jiro kan jinsiga, ayaa ku qeexan Dastuurka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay 2012kii. Bahda Qaramada Midoobay ee waxay ku boorinaysaa Baarlamaanka in uu ansixiyo Hindise Sharciyeedka Xadgudubyada jinsiga (2018), kaas oo si weyn u ilaalin doona dhibanayaasha xadgudubyada jinsiga ee dalka oo dhan.

- Advertisement -

“Inta lagu guda jiro ololaha 16-ka Maalmood ah, QM waxa ay ku garab istaagi doontaa dowladda Soomaaliyeed iyo ururada bulshada rayidka ah arrimaha u qareemidda iyo wacyigelinta si wax looga qabto tacadiyada ka dhanka ah haweenka iyo gabdhaha” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ee magaalada Muqdisho.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts