HomeWararDowladda oo sheegtay in xubno ka badbaaday weerar hore ku dishay Shabeellaha...

Dowladda oo sheegtay in xubno ka badbaaday weerar hore ku dishay Shabeellaha Hoose

Date:

Related stories

IOM Flies 56 Migrants Back to Ethiopia

 It was a sombre scene at the Bosaso port...

Turkey renews Somalia military deployment for two more years

Turkey's parliament has approved a two-year extension of its...

44 Somali Pirates Sentenced to Life in India

A special court in Mumbai has sentenced 44 Somali...

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya

Madaxweynaha FIFA oo dhamaadka sanadka Muqdisho ku imaanaya – ma waxay horumar ku noqon doontaa kubadda cagta Soomaaliya?

Fire Guts Shops at Mogadishu’s Bakara Market

A major fire tore through Mogadishu's Bakara Market on...

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa qortay in howlgal ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay in ka badan 15-xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan iyo duqeyn dhanka cirka oo geysteen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa fuliyay Ciidamada gaarka ah ee Hay’adda Nabad […]

- Advertisement -

Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa qortay in howlgal ka dhacay deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay in ka badan 15-xubnood oo la sheegay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan iyo duqeyn dhanka cirka oo geysteen diyaaradaha Mareykanka ayaa waxaa fuliyay Ciidamada gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ee Mareykanka.

- Advertisement -

Qoraalka lagu daabacay Wakaalada SONNA ayaa waxaa lagu sheegay in xubnaha Shabaabka ee la dilay ay si gaar ah ugu daba jireen Sirdoonka Soomaaliya, kuwaasi oo sida la tilmaamay kamid ahaa xubno ka badbaaday weerar horey uga dhacay Buulo Madiino.

“Ciidanka gaarka ah ee hay’adda NISA iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa burburiyay gaadiid ay ku baxsanayeen Al-shabaab iyo hubkii ay wateen” ayaa lagu yiri Qoraalka lagu daabacay Wakaalada Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sheegtay in howlgal iyo duqeyn ka dhacday deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose lagu dilay 49 dagaalame.

Latest stories