HomeWararMareykanka oo Malaayiin Doollar ku bixinaya Xogta Hoggaanka sare ee Al-Shabaab

Mareykanka oo Malaayiin Doollar ku bixinaya Xogta Hoggaanka sare ee Al-Shabaab

Date:

Related stories

FESTU oo Geneva ka qaylisay: Shaqaalaha iyo dhalinyarada Soomaaliyeed waa lagama maarmaan

FESTU: “Wadahadal la’aan ma jirto nabad” Geneva, Switzerland – 6...

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada

TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada Muqdisho, 06 Juun...

Somalia Strengthens Ebola Preparedness Amid Regional Outbreak Risks

Somalia has stepped up Ebola preparedness, though no cases have been confirmed. The Ministry of Health has activated the National Public Health Emergency Operation Center and introduced electronic traveler health forms to strengthen border surveillance. Officials urge the public to remain calm, follow official health guidelines, and avoid misinformation.

Police Target illegal arms after deadly confrontation

Somali government security forces deployed across Mogadishu's Abdiaziz district...

Somali Police Display Weapons Cache After 20 Hours of Mogadishu Clashes

Somali police forces on Thursday showcased a large cache...
- Advertisement -

Dowladda Mareykanka ayaa kordhisay lacagta abaal-marinta ah ee ay ku bixineyo xog hoggaamin karta aqoonsiga iyo halka ay ku sugan yihiin madaxda sare ee kooxda Al-Shabaab iyo carqaladeynta hanaankeeda maaliyadeed.

“Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, oo ay maamusho Waaxda Nabadsugidda Diblomaasiyadda, ayaa kordhinaysa oo illaa $10 milyan gaarsiineysa abaal-marinta la siinayo ciddii keenta xog horseedda aqoonsiga ama halka ay ku sugan yihiin hoggaamiyeyaasha muhiimka ah ee Al-Shabaab ee kala ah; Axmed Diiriye, Mahad Karate, iyo Jehad Mostafa,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka.

- Advertisement -

Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee loo soo gaabiyo RFJ ayaa sidoo kale yaboohaya illaa $10 milyan oo lagu bixinayo xog horseedi karta carqaladeynta hanaanka maaliyadda kooxda Al-Shabaab. Ku dhawaaqistan ayaa noqonaysa markii ugu horreysay oo ay Waaxda Arrimaha Dibedda ay abaal-marin ku yaboohdo xogta shabakadaha dhaqaalaha ee Al-Shabaab.

Axmed Diiriye oo ahaa amiirka Al-Shabaab tan iyo bishii September 2014 ayaa liiska argagixisada caalamiga ee Mareykanka (SDGT) lagu daray April 21, 2015.

Mahad Karate ayaa isna liiska lagu daray isla April 21, 2015. Mahad Karate waa amiir ku-xigeenka ama amiir ku-xigeenka dadban ee Al-Shabaab, wuxuuna weli hoggaamiyaa qaar ka mid ah howlgallada Al-Shabaab.

- Advertisement -

“Al-Shabaab waxa ay weli ku tiirsan tahay shabakadaha maalgelinta iyo fududaynta si ay usii waddo hawlgalladeeda, oo ay u qorsheyso weeraro argagixiso oo caalami ah,” ayaa lagu yiri bayaanka.

 

Latest stories