HomeWararAl-shabaab oo weerar ku dilay Askar ka tirsan Dowladda & faah faahin...

Al-shabaab oo weerar ku dilay Askar ka tirsan Dowladda & faah faahin laga helay

Date:

Related stories

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

When Cash Failed, Connection Became Currency

When cash failed in Somalia, connection became currency. How mobile money helped rebuild trust, access, and resilience and why EVC Plus became more than a payment method. Read the full story.

Journalists union raps Puntland authorities over arrest of reporter

The National Union of Somali Journalists (NUSOJ) has mounted...

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Askar ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa beer ku taalla duleedka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Wararka la helayo ayaa sheegaya in Askarta lagu qaaday weerar kedis ah oo khasaaro kasoo gaaray Askarta la beegsaday, waxaana la xaqiijiyay […]

- Advertisement -

Rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday Askar ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa beer ku taalla duleedka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Askarta lagu qaaday weerar kedis ah oo khasaaro kasoo gaaray Askarta la beegsaday, waxaana la xaqiijiyay inay ku dhinteen saddex Askari oo goobta joogay, kuwaasi oo kamid ahaa Ciidanka dowladda Federaalka.

- Advertisement -

Ciidamo ayaa tagay halka uu weerarka ka dhacay, kana qaaday meydadka Askarta, isla markaana sidoo kale duleedka Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ka sameeyay howlgalo lagu raadinayey xubnihii weerarkaas ka dambeeyay.

Al-shabaab ayaa marar kala duwan ayaa waxaa ay weeraro ay ku dileen Askar ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Jubbaland, kana geysatay degaano kamid ah Gobolka Gedo, sidoo kalena weerartay Saldhigyo Ciidan oo ku yaalla Gobolka.

Latest stories