HomeWararDagaal u dhexeeyay macwiisley iyo Al-shabaab oo ka dhacay degaano hoostega Baladweyne

Dagaal u dhexeeyay macwiisley iyo Al-shabaab oo ka dhacay degaano hoostega Baladweyne

Date:

Related stories

Kenya disrupts Al-Shabaab attack plan, kills 11

Kenyan security forces killed at least 11 suspected Al-Shabaab...

President Mohamud off to Doha for Emir’s funeral

Somali President Hassan Sheikh Mohamud is heading to Qatar...

Iskaashi xooggan oo muhiim u ah xasilinta Soomaaliya

Safiirka Ingiriiska Charles King oo ka hadlay Aqoon-is-weydaarsiga 3S, isagoo sheegay in iskaashiga adag iyo hoggaaminta maxalliga ah ay muhiim u yihiin horumarka iyo xasilinta Soomaaliya.

Trump oo ku hanjabay inuu Iran “bur-buriyo” haddii la dilo

Trump oo ku hanjabay inuu Iran "bur-buriyo" haddii ay isku daydo dilkiisa, isagoo sheegay in 1,000 oo gantaal diyaar u yihiin. Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sii kordheysa.

Markii lacagta caddaanka ah ay fashilantay, isku-xirka ayaa noqday lacag

Sida lacagta mobilada ah ay uga caawisay Soomaaliya inay...

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka deegaanka ee loo yaqaan macwiisleyda iyo Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaannada kala ah Baareey iyo Dhoqor oo koonfur ka xiga magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle. Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii +macwiisleyda ay weerar ku qaadeen […]

- Advertisement -

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka deegaanka ee loo yaqaan macwiisleyda iyo Al-shabaab ayaa arroornimadii hore ee saaka ka dhacay deegaannada kala ah Baareey iyo Dhoqor oo koonfur ka xiga magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu yimid, ka gadaal markii +macwiisleyda ay weerar ku qaadeen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaannada Baareey iyo Dhoqor, sidaasina uu dagaalka ku bilowday.

- Advertisement -

Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada weerarka qaaday ayaa waxaa ay sheegeen in Al-shabaab dagaalka looga qabsaday meelo ay kaga sugnaayeen deegaannada la weeraray, isla markaana ay gacanta ku hayaan macwiisleyda.

Khasaaro kala duwan oo dhinacyada dagaalamay ayaa ka dhashay dagaaladii saaka ka dhacay deegaannada kala ah Baareey iyo Dhoqor oo koonfur ka xiga magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, welina si rasmi ah looga oga khasaaraha jira.

Gobolka Hiiraan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka dhacaayay dagaalo u dhexeeyay Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa deegaanka ee macwiisleyda iyo Al-shabaab, waxaana dagaalada lagu qabsaday degaano ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Latest stories