HomeWararBooliska oo ka hadlay Qaraxyadii Maanta ee Muqdisho & saameynta ka dhalatay...

Booliska oo ka hadlay Qaraxyadii Maanta ee Muqdisho & saameynta ka dhalatay + Sawirro

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qaraxyadii Maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ee ku taalla agagaarka Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay in laba qarax oo Is-miidaamin ah ka dhaceen afaafka hore ee […]

- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyey qaraxyadii Maanta ka dhacay Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ee ku taalla agagaarka Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa u sheegay in laba qarax oo Is-miidaamin ah ka dhaceen afaafka hore ee dhismaha Wasaaradda Waxbarashada, kuwaasi oo jugtooda laga maqlay degmooyinka Muqdisho.

- Advertisement -

Wuxuu sheegay Afhayeenka in qaraxyada ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad u badnaa Carruur iyo hooyooyin ku sugnaa goobta qaraxyadu ka dhaceen, isagoona faah faahin intaas ka badan ka bixin khasaaraha qaraxyada.

Sidoo kale Afhayeenka Booliska dowladda Sadiiq Doodishe ayaa waxaa uu hadalkiisa intaas kusii daray in Ciidanka ammaanka ay ka hortageen weerarka, waa sida uu hadalka u dhigay Sadiiq oo xusay in la doonayey in la beegsado Arday ku sugneyd gudaha Wasaaradda.

In ka badan 10 oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsaneyd Ciidanka Booliska ayaa ku dhintay qaraxa, Wariye Maxamed Ciise Koonaa ayaa sidoo kale kamid ahaa dadka ku dhintay goobta, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo uu ku jiro Taliye Mahad Koroow.

- Advertisement -

Latest stories