HomeWararSaraakiil Ciidan iyo Wariye oo ku dhintay Qaraxyadii lagu weeraray W/Waxbarashada

Saraakiil Ciidan iyo Wariye oo ku dhintay Qaraxyadii lagu weeraray W/Waxbarashada

Date:

Related stories

Once a Man’s World, Now a Shared Space: Women Transform Mogadishu’s Fish Market.

Every morning, as the sun rises over Mogadishu’s coastline,...

Somali Pirates Hijack Tanker ASANA

MOGADISHU – Somali pirates hijacked the oil tanker ASANA off...

Turkey excludes Somalia from e-Visa expansion

Turkey has expanded its electronic visa (e-Visa) system to...

Danab forces overrun Al-Shabaab stronghold near Jilib

The National Army’s elite Danab commandos have overrun a...

Somalia scrambles for new military allies as AU troops face exit

Somalia's federal government is pressing regional troop-contributing countries to...

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyo xooggan oo Maanta lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Isgoyska Zoobe ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho. Laba qarax oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa marka hore lagu dhuftay albaabka hore ee Wasaaradda Waxbarashada, kadibna […]

- Advertisement -

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxyo xooggan oo Maanta lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Isgoyska Zoobe ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Laba qarax oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa marka hore lagu dhuftay albaabka hore ee Wasaaradda Waxbarashada, kadibna waxaa xigtay rasaas xooggan oo bilaabatay, taasi oo ridayeen rag hubeysan oo Xarunta Wasaaradda galay.

- Advertisement -

In ka badan 10 qof oo ay ku jiraan Saraakiil Ciidan ka tirsanaa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhintay weerarka qaraxyada, halka dad kale ay ku dhaawacmeen oo ku jiro Taliye Mahad Koroow, kuwaasi oo durbadii la geeyay Isbitaalo.

Qaraxa labaad ayaa waxaa ku dhintay taliyihii Booliska  ee degmada Hodan Xuseen Cadcadeed, Sidoo kale dadka illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen waxaa kamid ah wariye Maxamed Ciise Koonaa oo u shaqeenayey M24 TV, kana mid ah suxufiyiinta ugu caansan magaalada, waxaa  dhaawac ah weriye Cabdulqaadir OK oo ka tirsan VOA.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ku-xigeenka iyo agaasmaha guud ee wasaaradda ayaa gebi ahaanba ka maqnaa xarunta xilliga uu weerarka dhacayey, sida ay xaqiijiyeen xubno ku dhow Wasaaradda.

Latest stories