HomeWararDowladda Soomaaliya oo Sheegtay in ay duqeyn ku dishay Xubin sare oo...

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in ay duqeyn ku dishay Xubin sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Date:

Related stories

Saynisyahano Japan ah oo lo’ ku rinjiyeeyay si looga hortago duqsi

Saynisyahano Japan ah ayaa lo’ ku rinjiyeeyay xariijimo madow iyo caddaan ah oo u eg zebra, iyadoo tijaabadu muujisay in duqsigii ku degi jiray lo’da uu hoos u dhacay qiyaastii 50%. Tags:

Nin Kenya ah oo 26 dacwadood ku guulaystay isagoon shati qabin

Brian Mwenda Njagi ayaa Kenya caan ka noqday kadib markii lagu eedeeyay inuu qareen iska dhigay, haddana uu ku guulaystay 26 dacwadood oo isku xiga.

Madaxweyne Xasan oo Galinsoor ugu baaqay nabadda iyo xasiloonida

Madaxweyne Xasan iyo Madaxweynaha Galmudug oo Galinsoor ku soo dhoweeyay shacabka – ma xoojin doontaa xiriirka federaalka iyo maamulka?

Baydhabo: Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Laftagareen Oo Isku Dhacay

Baydhabo ayaa saaka laga maqlay rasaas xooggan, kaddib markii ciidamo kala taageersan dhinacyada siyaasadda ay magaalada ku dhex dagaallameen, iyadoo xaaladda amni ay weli kacsan tahay.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ahi, in lagu dilay mid ka mida hoggaamiyayaasha Al-Shabaab. Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee telefishanka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay Facebook ayaa intaas ku daray in hawlgalku uu ka […]

- Advertisement -

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ahi, in lagu dilay mid ka mida hoggaamiyayaasha Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee telefishanka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay Facebook ayaa intaas ku daray in hawlgalku uu ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe taariikhdu markay ahayd Bishan October 01, 2022.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha ururka al-Shabaab ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Nadiir isaga oo ahaa madaxa dacwadda ee kooxda, iyada oo dawladda Soomaaliya ay ku tilmaantay inuu ahaa, “mid ka mida kuwa ugu muhiimsanaa al-Shabaab.”

“Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay u diyaariyeen in uu badalo hoggaamiyaha bukaanka ah ee Shabaab Axmed Diiriye.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hoggaamiyaha la dilay uu ka mid ahaa ragga ay madaxiisa saaran tahay lacagtu ee ay baadigoobayeen dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah. “ugu dambayn waxaa soo helay sirdoonka qaranka ee Soomaaliya ee NISA” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

Latest stories