HomeWararDowladda Soomaaliya oo Sheegtay in ay duqeyn ku dishay Xubin sare oo...

Dowladda Soomaaliya oo Sheegtay in ay duqeyn ku dishay Xubin sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ahi, in lagu dilay mid ka mida hoggaamiyayaasha Al-Shabaab. Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee telefishanka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay Facebook ayaa intaas ku daray in hawlgalku uu ka […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen ciidamada Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ahi, in lagu dilay mid ka mida hoggaamiyayaasha Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya oo lagu faafiyey bogga rasmiga ah ee telefishanka qaranka Soomaaliya uu ku leeyahay Facebook ayaa intaas ku daray in hawlgalku uu ka dhacay deegaanka Xaramka ee gobolka Jubbada Dhexe taariikhdu markay ahayd Bishan October 01, 2022.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha ururka al-Shabaab ee la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Nadiir isaga oo ahaa madaxa dacwadda ee kooxda, iyada oo dawladda Soomaaliya ay ku tilmaantay inuu ahaa, “mid ka mida kuwa ugu muhiimsanaa al-Shabaab.”

“Horay wuxuu usoo noqday Madaxa Shuurada iyo Maaliyadda, wuxuu ka mid ahaa aasaaseyaasha kooxda, waana shakhsiga ay u diyaariyeen in uu badalo hoggaamiyaha bukaanka ah ee Shabaab Axmed Diiriye.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta ee Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in hoggaamiyaha la dilay uu ka mid ahaa ragga ay madaxiisa saaran tahay lacagtu ee ay baadigoobayeen dawladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ah. “ugu dambayn waxaa soo helay sirdoonka qaranka ee Soomaaliya ee NISA” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay wasaaradda warfaafinta.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts