HomeWararWararkii ugu danbeeyay Israsaaseyn khasaaro dhalisay oo Maanta ka dhacday Qardho

Wararkii ugu danbeeyay Israsaaseyn khasaaro dhalisay oo Maanta ka dhacday Qardho

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Israsaaseyn kooban oo Maanta ka dhacday Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, taasi oo u dhexeeysay Ciidanka ammaanka magaalada iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ahaa. Israsaaseynta ayaa ku bilaabatay, kadib markii ragga hubeysan ee maleeshiyaadka ahaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Booliska Puntland ku leeyihiin […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Israsaaseyn kooban oo Maanta ka dhacday Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Puntland, taasi oo u dhexeeysay Ciidanka ammaanka magaalada iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ahaa.

Israsaaseynta ayaa ku bilaabatay, kadib markii ragga hubeysan ee maleeshiyaadka ahaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Booliska Puntland ku leeyihiin magaalada Qardho, iyagoona doonayey inay soo furtaan maxaabiis ku xirneyd Saldhiga.

- Advertisement -

Wararka la heleyo ayaa sheegaya in maleeshiyaadka ay diidan yihiin in maxaabiista xiran oo horey Maxkamadda Qardho xukun ugu riday in loo wareejiyo xabsiga dhexe magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Hal Askari ayaa ku dhintay Israsaaseynta dhacday oo socotay daqiiqo kooban, waxaana haatan xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa qeybo kamid ah Qardho, dadka deegaanka ayaa soo weriyey in xiisada ay saameysay isku socodka Ganacsiga iyo dadka.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Saraakiisha ammaanka Maamulka Puntland ee ku sugan Qardho oo ay uga hadlayaan shaqaaqada dhacday, dhowr jeer oo hore ayey sidaan oo kale Israsaaseyn u dhexmartay Ciidanka Punland iyo maleeshiyaad hubeysan.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts